Sunday, November 7, 2021

Alla May Dadaasho

Erayada: Maxamed Cumar Xuseen “Huryo”

Laxanka: Maxamed Saleebaan Tubeec

Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Cidlaan dawaafaa

Ka daydayaayoo

Daruurahaan hadal

Intaa u dirayaa!

Dulmaan qabaayoo

Adaan ku doortoo

Dartaa u ooyee

Mad ii dadaashid

Oo diiftan an qabo

Iga dawaysid


Oo may dadaasho

Oo ay i daryeesho!

 

Alla may dadaasho

Ooy ku daryeesho!

 

Bal dadyow adduunka

Labadii is doortaa

Isu daacad maahoo

Iyagaa is dilaaya

 

Alla may dadaasho

Ooy ku daryeesho!

 

Tay naftaydu doontay

Inuu Daa’in keeno

Iigu soo duceeya

Kuugu soo ducaynnay


EREYADA INTA HARSAN HALKAAN HOOSE KA DAAWO

HALKAAN KA DAAWO/AKHRISO - YOUTUBE HEELLOOY




FADALAN KU SOO BIIR YOUTUBE-KEENNA


Thursday, September 2, 2021

Maxaa Naga Cusub?

 Waan idin salaannay asxaabta blog-gan ku xidhan

Muddo dheer ayuu qoraalkii HAKAD naga galay. RAALLI AHAADA, intiinnii sida dhow noo la socotay.

Digarogasho


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Sagal


Mooge

Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee 

Tuesday, July 20, 2021

Cabdow Berisamaad (Sheeko Baraley)

 Ereyada: Cabdiqafaar Ciise Cagoole

Luuqda: Khadra Daahir Cige


Inuu beer jacayloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroortii
Boogaha damqinayaan
Kugu baabay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bestaa tahay
Allahayow ku sama bixiyeey

Monday, August 31, 2020

Cunnaabi

Erayada: Ibraahin Ismaaciil “Cirrasuge”

Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Saado Cali Warsame 

 

Qalinle

 

Cirguduudda waagiyo 

Himirtoo casaatiyo 

Canabkoo bislaadiyo 

Cillal rays ku baxayeey

Monday, May 11, 2020

Dirirrada


Erayada: Cismaan Cumar Cambuur (John)
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Tumidda: Cabdinaasir Macallin Caydiid
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf


Durdurradii Dharyaa iyo
Dirirrada afkoodii
Tuurta dacalladeediyo
Marka Jeexdin loo dego
Yoondheere daad maray
Degmadeenna oo taal
Dalxiis aan u aadnoo
Aqal laba daryaalaa
Dadabteenna lagu xidhay
Deeqaay ku geeyoo
Dermo aynu dhigannee
Sow u ma diyaar tihid!

Tuesday, December 10, 2019

Xabsi Caashaq


Ereyada: Ayaan Kaaba Axmed Caydiid
Luuqda: Faysal Muniir
Laxanka: Xariir Axmed

 Iga daa xusuusaha
Xayiraadda iga qaad
Ii keen xorriyaddii
Aan xidhiidh samaystee

Friday, December 6, 2019

Siddiqabax!

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac


Aburaas

Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Wednesday, December 4, 2019

Ma La Dhuubtay Awgaa

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube
Luuqda: Xuseen Yuusuf Tarabbi iyo Maryan Mursal Ciise 


Xuseen

Igu dheer e inantani
Waa taan dhursugayee
Dhuuniga u diidee
Hurda uga dhaqaaqee
Dheeheeda midabka le
Waa mid loo dhammeeyoo
Maba kala dhantaalnee

Sunday, November 24, 2019

Diiggaa Habeenkii

Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc

Diiggaa habeenkiyo
Markuu waagu daalaco
Duryamood ogsoontoo
Daxayoo badh kaga maqan
Dabuubta uga yeedha;
Diinkuna ma dhuunyado
Dareemada abaartoo
Afka wuu u diidaa
Hadduu gugii ku daaqee

Thursday, November 7, 2019

Haddii aan ku naawilay

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Adduun nugulku doogsaday
Rahuna nawda doob furay
Nafyaruhu wax quudhsaday
Ragannimooy ninkaagii
Nacasnimo maxaa baday!
Nafsigiyo ayaankow
Xaggee baad ku nooshiin?!
Haddii aan ku naawilay
Hay gabin nasiibow!

Sunday, October 6, 2019

Jibin — Maandeeq

Erayadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Cabdillaahi Diiriye Sooraan  
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”

Ma jin baa ma jaan baa?
Mise jahawareer bay
Arrintaydu joogtaa?
Sow kan jarihii aan waday
Dhan kale u janjeedhsaday

Go'doon


Erayada: Ciise Warsame Samatar “Dhancadde”
Laxanka: Cabdalle Maxamed Carraale “Sagsaag”
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Haddaan gudin Ilaahay
Aanu kugu gargaarayn
Waxba kuu ma goysoo
Gacmahaa ku daalee
Garan wayday taladii
Gacal iyo nasteexoo
Adigay is go’doonshee

Wednesday, October 2, 2019

Guryasamo Allahayow

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Tubeec

Garashiyo wanaag gudubtaye
Gacal iyo xigaal goysaye
Geedkii jacaylka
Guntii baad ka jartee
Guryasamo Allahayow
Geestii roon Allahayow

Gacantu Raaxo Daranaa

Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”
Laxanka: Axmed-Nuur Jaangow
Luuqda: Aamina Cabdillaahi Xirsi

Galow taah gu’ madaxii
Goohyoo “galaa yimi?”
Guugguule faal dhigay
Garan waa minka u baxay
Misna baalasha is goo;

Friday, September 27, 2019

Kalgacaylku Waa Qani

Erayada: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Hibo Maxamed (Hibo-Nuura)


Hibo-Nuura

Kalgacaylku waa qani
Caashaqa ka qara weyn
Qurux iyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimaynta aadmiga;
Labada is la qaaddana
Qalbigooda ka ma go’o
Waxa’n igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee!

Sunday, September 22, 2019

Ha Ku Daalin Jeedaal

Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Qays)
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc


Waxaad jeceshay la ma helo
Naftaydaay!
Wax ku jecelna diiddee
Ma og tahay Jannada udug
Nimaan jirrib u soo marin
Sahal la ma dhex joojee!

Friday, September 20, 2019

Kaalay!

Erayada: Maxamed Aadan “Dacar”
Luuqda: Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan "Rooraaye"

Khadra

Ma og tahay in badan baan
Kaa aamusnaayoon
Afka kaala baqayee
Ma og tahay indhaha iyo
Uurkuba daraaddaa
In ay kuu ilmeeyaan
Kalgacayl la ooyaan;
Ugub kula midaan ahee
Sidaan aabbahaa dilay
Oodda hayga roganine
Umalka iga daa!

Monday, September 16, 2019

Adduunyada Nin Dhoofiyo

Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec
Ereyada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd (?)


Adduunyada nin dhoofiyo

Ninkii deggen dhulkii hooyo
Nin dhergiyo
Nin dhawr qaday
Aan dheef hayn
Dheddigiyo laboodba
Hawli kama dhammaatee
Qof waliba waxii dhibay
Dhafoorkay ku taallaa
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!