Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec
Ereyada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd (?)
Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii deggen dhulkii hooyo
Nin dhergiyo
Nin dhawr qaday
Aan dheef hayn
Dheddigiyo laboodba
Hawli kama dhammaatee
Qof waliba waxii dhibay
Dhafoorkay ku taallaa
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
Anba kuguma dhaafeen
Hadday kaa taadu dheellido'e
Maxaa dhacay
Dhankaagay u jiiftaa
Dhaliishuye?
Ma dhiirrado nimaan
Garab wax lagula dhisayne
Nafta dhool hillaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
Jacaylkeedu dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog
Dhir iyo ubax
Dhammaan ekeeyeen
Dhowristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Weli dhaban mid kula mida
Kama dhalan adduunkee
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
Ereyada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd (?)
Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii deggen dhulkii hooyo
Nin dhergiyo
Nin dhawr qaday
Aan dheef hayn
Dheddigiyo laboodba
Hawli kama dhammaatee
Qof waliba waxii dhibay
Dhafoorkay ku taallaa
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
Anba kuguma dhaafeen
Hadday kaa taadu dheellido'e
Maxaa dhacay
Dhankaagay u jiiftaa
Dhaliishuye?
Ma dhiirrado nimaan
Garab wax lagula dhisayne
Nafta dhool hillaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
Jacaylkeedu dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog
Dhir iyo ubax
Dhammaan ekeeyeen
Dhowristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Weli dhaban mid kula mida
Kama dhalan adduunkee
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!
No comments:
Post a Comment