Showing posts with label Hadraawi. Show all posts
Showing posts with label Hadraawi. Show all posts

Thursday, September 2, 2021

Digarogasho


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Sagal


Mooge

Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee 

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Monday, August 5, 2019

Ceel Walwaleed (wadnahaan far ku hayaa)

Erayada: Maxamed I. W. “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Wahey dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaygii
Goortaan waraystaan
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib haysaan
Is lahaa ku wiirsoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoon u yeedhee
Walqashaadii ma adaa
Cunay waaxyaheedii?!

Wednesday, June 19, 2019

Wacdaraha Adduunka


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayay;