Friday, September 20, 2019

Kaalay!

Erayada: Maxamed Aadan “Dacar”
Luuqda: Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan "Rooraaye"

Khadra

Ma og tahay in badan baan
Kaa aamusnaayoon
Afka kaala baqayee
Ma og tahay indhaha iyo
Uurkuba daraaddaa
In ay kuu ilmeeyaan
Kalgacayl la ooyaan;
Ugub kula midaan ahee
Sidaan aabbahaa dilay
Oodda hayga roganine
Umalka iga daa!
 Aja kaama dhoobayn
Igadh kaama gaaggixin
Kaamana ag tagayoo
Anigu adigaan ku jecelee
Kaalay adhaxda igu qaad!


Rooraaye

Ma og tahay ayaamahan
Aniga iyo haweenkaba
Arxan na ma dhex yaallee
Ma og tahay ammaan iyo
Weligood abaal ma le
Anna kama sugaayee
Haddaad doonto olol oo
Waxba ii ma ihidine
Edeg baad i geliseene
Waan aarsan doonaaye
Ilmada iga daa

Ii kaalay ku ma odhan
Ilbaxuna ma aha sidan
Ragna la ma afduubee
Anigu adigaan ku necebee
Orod araggaaga iga qari


Khadra

Ma og tahay ibtiladiyo
Aramida jacaylkaba
Adigaygu beeroo
Ma og tahay asaagiyo
Inaan aynigaagaba
Aawadaa u diidoon
Kaa eegto dunidaba
Sida geed adaahiya
Ama jeerta awdalan
Ha isku kay afuufine
Umalka iga daa

Aja kaama dhoobayn
Igadh kaama gaaggixin
Kaamana ag tagayoo
Anigu adigaan ku jecelee
Kaalay adhaxda igu qaad!


Rooraaye

Ma og tahay afeef iyo
In adkaysi wacanyoo
Aan ku odhan lahaa joog
Ma og tahay ul dhebi iyo
Haddad noqon lahayd udug
Ku ma eegi karayee
Iska kay illaw oo
Waxba ii ma ihidine
Ubaxii jacaylkow
Meelahaa ka oy’oy
Ilmada iga daa

Ii kaalay ku ma odhan
Ilbaxuna ma aha sidan
Ragna la ma afduubee
Anigu adigaan ku necebee
Orod araggaaga iga qari!





No comments:

Post a Comment