Showing posts with label Maxamed Mooge Liibaan. Show all posts
Showing posts with label Maxamed Mooge Liibaan. Show all posts

Thursday, September 2, 2021

Digarogasho


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Sagal


Mooge

Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee 

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Wednesday, June 19, 2019

Wacdaraha Adduunka


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayay;

Monday, May 27, 2019

Aakhirooy Xaggee Baad Naga Xigtaa?

*Ereyada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qaysa)
Luuqda: Maxamad Mooge Liibaan


Maalinta xanuunkiyo

Xaqa mowdku soo galo
Xabaasha iyo illkaan 
Kugu soo xusuustaa
Xiddiga cirkee sare
Inaad xubin ka mid ah tahay
In aad hoos u xulan tahay
Dhulka xero ku lee dahay
Maannu helin xogtaadee
Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?


Wednesday, January 23, 2019

Dhayal Looma Heesee

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Xudaydi iyo Maxamed Mooge
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan

Dhayal loo ma heesee
Dharaartii aan ku caashaqay
Ee aad dhibtaadiyo
Igu dhalisay hawlahan
Dhulkan oo gu’guu da’ay
Dhinacyadan Maqaaddiish
Dhanka midig baddii tahay
Bidixduna dhir iyo doog
Ciiddan dhabaq guduudka ah
Ee Dhiin lo’deenniyo
Geeluba ku dhaaddamo
Iyo ubaxa dhaadheer
Miyaad ka la dhex taagnayd!