Friday, September 27, 2019

Kalgacaylku Waa Qani

Erayada: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Hibo Maxamed (Hibo-Nuura)


Hibo-Nuura

Kalgacaylku waa qani
Caashaqa ka qara weyn
Qurux iyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimaynta aadmiga;
Labada is la qaaddana
Qalbigooda ka ma go’o
Waxa’n igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee!

Qummanow ujeeddada
Waanada adoon qubin
Soo dhowee qalbi furanoo
Oon qoonsimaad layn
Geestaada i la qabo!


Saalax Qaasin

Allow yaa habeen qura
Uurkayga qala oo
Qudha oon layga jarin
Quruumaha ku loollama
Ku yiraa garta u qaad;
Taladan qandowdee
Aan qawda ku hayaa
Qotadeedu dheeraa
Insha Allaahu waan qaban!

Qalanjooy innana dee
Haddii laysu keen qoray
Oo an quud isku leenahay
Waysla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli!



Hibo-Nuura
Beri baa nin qaariya
Qoomkuu la noolaa
Qawlka uu yidhaahdaba
Haddii uu Quraan yahay
Ay ka qaadan waayeen!
Kol adoon i qadinayn
Quluubtu way ku raacdee
Nafta aan qaboojee
Hadal quruxsan ii sheeg

Qummanow ujeeddada
Waanada adoon qubin
Soo dhowee qalbi furanoo
Oon qoonsimaad layn
Geestaada i la qabo!

 Saalax Qaasin

Adduunyada qorshaa jira
Iyo qaabab waaweyn
Qarar oodan baa jira
Qaxar iyo dhibaatana
Intaa way dhex qaadaan;
Qoonteeda sheekada
Waan qaadi doonnaa
Qarqarsiga ku jiidoo
Hawlaha ma qabannaa?


Qalanjooy innana dee
Haddii laysu keen qoray
Oo aan quud isku lee nahay
Waysla qosli doonnaa
Adna taa qiraha geli!

------------- 
Faallo: Waa hees ka mid ah heesihii riwaayaddii Dhedo Roob Noqon Wayday ee C. D. Sooraan sameeyay. 


No comments:

Post a Comment