Nagu Saabsan

Heellooy  waa boloog lagu uruuriyo heesaha Soomaalida ee tuman.


Ujeeddooyin


b. In la helo qoraalka heesaha tuman ee Soomaalida oo higgaad ahaan iyo macno ahaanba saxan.

t. In ugu yaraan la helo heeso la yaqaan ciddii curisay, laxamaysay ama qaadday.
j. In la daboolo baahida ay dadka qaar u qabaan in ay helaan heesta oo qoran oo laga yaabo in marka la dhageysanayo aan si wacan loo wada fahmin.


x. In faca cusub iyo jiilalka dambe ay helaan qeyb ka mid ah dhaxalka suugoontooda oo qoran, oo haddii aan la qorin laga yaabo in uu lumo.

Tixraaca heesaha


   b. Waraysi uu bixiyay abwaankii heesta tiriyay, kii laxanka saaray ama kii/tii qaad(d)ay.

    t. Buug iwm oo lagu kaydiyay suugaantii uu tiriyay abwaan (t.a: Halkaraan waa diiwaanka suugaantii Hadraawi).

    j. Qof lagu kalsoon yahay oo xogta heesta ka helay ciddii tirisay ama laxamaysay ama qaadday; iyo

   x. Qof kale oo si uun ay xogta heesta oo sax ahi ku soo gaadhay.





1 comment: