Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?
Imisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Cunto aawaday
Uga soommanayd!

Eed layga keeniyo
Midna amar Ilaahay
Kuma aad maqaanine
Adigayska baaqdee

Haddaad i tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsoon tay

Indhahaa habeenkii
Ku ilaalinayoo
Dhammideed adduunyada
Afarteeda waaxyood
Hadba gees u eegee

Anigaa is la hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imane sii joog;
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kolna oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fagow agteedaan
Uurkayga geliyaa

Aramida jacayl baa
I hoggaaminaysoo
Misna ka ma adkaystoo
Ka ma hoydo aydee
Naftu olol ma daysee

Aamusnow habeenkii
Ugbaadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkee
Ubax baan guroo
Soo ururiyoon
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ilaxidhoon
Ku ag daadiyoon
Weheshada idhee!

Eedaanka diiggoo
Oogsaday salaaddiyo
Waagoo iftiimaan
Keligay inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Bal siday ahaataba
Laba eeftay caawee
Ruux ammaano lumiyoo
Iibsaday xilkeedii
Samaan uga ma aayee
Aan kala war haynnaan
Ku afgooyay heestee
Maxay adiga ku la tahay?!



Faallo: Heestan Axaddii waxaa qaaday dhawr heesaa oo Axmed Cawad Rabsha ugu horreeyay. Waa hees laga soo dheegay mid Carbeed oo magaceeda la yidhaahdo “ليلة السبت” oo heesaagii reer Soodaan ee Saalax ibnu Baadiya qaadi jiray. 

2 comments:

  1. eesh calaa hees heesaha bmaxamed mooge wa kuwo aniga aad moodo inayba i wada quseyan xaqiiq allah how naxariste wuxu ahaa fanaan haybad iyo hanba leh somalidana meel sare gaadhsiyay haday tahay halgan iyo haday tahay sugaanba

    ReplyDelete
  2. Lucky Club Casino Site – Live Dealer Games, Bonuses
    Lucky Club Casino is an luckyclub.live online casino site that offers an extensive range of games and games from scratchcards to table games. From live dealer games

    ReplyDelete