Thursday, December 27, 2018

Nin Ku Siray Wax Kuu Sheeg

Miraha: Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
Luuqda: Kooxda Waaberi? (Saynab Cige, Salaad Darbi, Magool iyo Tubeec)

Saynab

Maxaa siro la qeybsaday
Safsaf laysku kala maray
Siraad laysu wada shiday
Laysa sogordahaayaa
Lays wada sabaayaa
Salaanaan niya ahayn
Gacma la isa saaraa
Laysu soo dhoweeyaa
Runta laga siqaayaa
Beenta sacabka loo tumay

Thursday, December 20, 2018

Sida Sida


Erayada: Cabdiqaadir Cali Cigaal
Luuqda: Tubeec iyo Magool

Tubeec

Sida geed caleen loo
Ubax wada casaadiyo
Cosob iyo barwaaqo leh
Cirka mood ku taalliyo
Sagalkii cadceeddaay
Adigay cajebiyoo
Caaway naftaydii
Dhib ka caafimaaddee
Waa in aynu ciidnaa

Friday, December 14, 2018

Aan is Helno

Ereyada: Cali Sugulle
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan & Xaliimo Khaliif Cumar (Magool)

Magool
Hubqaadkaaga wanaagsan
Hannaankaaga oo wacan
Ayaa i halabsanayee
Ila hadal
Adigaan kuu han weynee

Monday, December 10, 2018

Hayga Goosan

Erayada: Jaamac Saleebaan Tubeec
Laxanka: Jaamac Saleebaan Tubeec
Luuqda: Aamina Fayr Xuseen iyo Maxamed Saleebaan Tubeec

Aamina Fayr

Galalowsin meel ay
Galowgiyo ugaadhii
Geesaha ka dhaafeen
Aday gogoli kuu taal
Galladdayda dhaaxaan
Geed iyo hadh jiifee
Hayga goosan caawaad
Iga gacan sarraysaa