Monday, August 31, 2020

Cunnaabi

Erayada: Ibraahin Ismaaciil “Cirrasuge”

Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Saado Cali Warsame 

 

Qalinle

 

Cirguduudda waagiyo 

Himirtoo casaatiyo 

Canabkoo bislaadiyo 

Cillal rays ku baxayeey

 

Doonbir caano gelisiyo

Ubax caynba cayniyo 

Waxaad tahay cadceeddoo

Beeraha cagaarka leh

Cambahiyo caadkii 

Ku caddaysay nuurkee;

Calaf waa halkiisee 

Caashaqan iskeen baray

Cawadii adduunkaay 

Igu curay sidii roob 

 

Saado 

 

Hadduu caawa igu yidhi

Badda cagaha geliyoo 

Timaha caaradow sooh 

Soo xidho cunnaabiga 

Saddexqayd cartii loo 

Weli caaryo jabiniyo

Cambarshe iyo laasimo

Sindi Ceerigaabiya

Hadduu cududda ii sudhay

Ila caarid anigee; 

Calaf waa halkiisee

Caashaqan iskeen baray

Haygu carinin anigee

Ku cugtaye ma nabad baa! 

 

Qaline

 

Hogol curatay dayroo 

Darroor cidhifyadiisiyo

Coodanle ku hoortee 

Intay xaadhay caymaha 

Cosobkiyo barwaaqada 

Ciddii nabad ku daaqdiyo

Farxad lagu caweeyoo 

Xigsiimooday cuudkii

Ayaad ii cajabisee

Xiddigtii Cirjiidhaay;

Calaf waa halkiisee 

Caashaqan iskeen baray 

Cawadii adduunkaay 

Igu curay sidii roob 

 

Saado 

 

Caanyo nacas ah mooyee

Gaaridu ma caasido 

Curadkii hagaagee 

Ciidda u shaqeeyee 

Dalka caabbiyaayee

Sida caynkan aad tahay

Cuudkana daweeyee 

Hadduu yidhi cuntada daa

Ha cabbine biyaha diid 

Cudur weeye halisee;

Calaf waa halkiisee

Caashaqan iskeen baray

Haygu carinin anigee

Ku cugtaye ma nabad baa!

 

 





Heeso Kale oo Qoran

No comments:

Post a Comment