Wednesday, October 2, 2019

Gacantu Raaxo Daranaa

Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”
Laxanka: Axmed-Nuur Jaangow
Luuqda: Aamina Cabdillaahi Xirsi

Galow taah gu’ madaxii
Goohyoo “galaa yimi?”
Guugguule faal dhigay
Garan waa minka u baxay
Misna baalasha is goo;
Anna gocashadiisii
Gef u dhacay ismoodsiis
Waa waxan galgalashada
Anoo gam’ay gadood ciil
Garta ugu naqaayee

Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta kee baan
Gogoshiisii ku hurdaa
Go’a yaa i la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani!


Golcasta iyo sibir godan
Kala jeedo geeluba
Misna garanay habeed gubi
Gondaha inuu ku leeyahay
Waanu galab cadceedsaday;
Dhiiggii guntamay iyo
Gujo maqan gunaad oge
Anna nabar ii gaar oo
Gaaroodiis diidaa
Garka iga damqanayee

Gurigii jacaylkiyo
Kii godobta kee baan
Gogoshiisii ku hurdaa
Go’a yaa i la huwaday
Gacantu raaxo daranaa
Guudkayga saarani!



Faallo: Waxa ay heestani ku jirtay riwaayaddii “Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaa”.




No comments:

Post a Comment