Wednesday, October 31, 2018

Muqdisho (Xamar Waa Madhaafaan)

Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Luuqda: Hibo Maxamed Nuur Huddoon (Hibo-Nuura)

Maskax lagu dadaaliyo
Illeen garasho waa maan
Muruq lagu shaqeeyiyo
Illeen quruxi waa maal
Murtiyey ma guuraan
Taariikh la soo maray
Sheekaa macneysee
Xamar waa madhaafaan
Waana lagama maarmaan
Maalkii dalkeenniyo
Kartidii midnimadaan
Labadaba ku miisnoo
Marsadiyo baddeediyo
Hawdkaa isku muuqdoo
Xamar waa madhaafaan

Tuesday, October 30, 2018

Godobtayda La Carrow (Gudgude)



Magaca: Godobtayda La Carrow (Gudgude)
Erayada: Cali Cilmi Aflow
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobbe)?
Luuqda: Xasan Aadan Samatar

Siduu yahay gudgude roob
Gaydhiyo dabayl badan
Ban aan geed lahayniyo
Dhul gelgelina kaa helay
Jacayl igu gadaantoo
Markuu ganafka heeryada
Guudka iga saaray
I gurguriyay caashaqu
Ee uu gibishu igu xidhay
I garwaaqsan waydoo
Gacanta igu saydhee
Anna gooha reenkiyo
Gocoshada ma daayee
Meel ay ku gaysaba
Godobtayda la carrow

Cududdayda Sii Daa


Erayada: Cali Cilmi Aflow
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobbe)?
Luuqda: Xasan Aadan iyo Sahra Axmed


Xasan

Canabkoo magooliyo
Carguduudda midhihiyo
Cosobiyo dhul baad laay
Lagu mood cirjiidheey
Casar roob darrooroo
Ay cadceeddu qabatiyo
Calcalyada xareeddee
Midabkaagan ciidkee
Caashaqa u sahanaa
Niyadaydi cugataye
Ku calmadaye ma og tahay?

Monday, October 29, 2018

Sida Goray Dhashiisii

Erayada: Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc

Sida goray dhashiisii
Meel bannaan dhigay
Dhoolkii hillaacaba
Soo dhababaceeyoo
Dhibicii ku hooraba
Baalasha uga dhigayaan
Dhibaatada adduunyada
Adna kaaga dhawraa

Saturday, October 27, 2018

Sida Geed Caleen Loo

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc



Sida geed caleeniyo
Ubax guudka qariyeen
Ooy gooni laamaha
Ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo
Guntin midho ah leedahay
Oo soo gandoodoo
Galka faraqa soo daray
Oo godan barwaaqaa
Durdur aan go’ayniyo
Gacan webi ku yaalla
Oon gu iyo jiilaal
Midab guurin baad too

Thursday, October 25, 2018

Dhalanteed

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Bashiir Xaddi
Luuqda: Xasan Diiriye Faarax iyo Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)

Xasan Diiriye

Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeen qaday
Dhafoorradu i jiidmeen
Waa dhaawacaagii
Waxan aan la dhuubtee
Markii ana ku dhawraba
Dhib baa ii kordhaysee

Laalays

Erayada: Xasan Sheekh Muumin
Luuqda: Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)

Laalays dusheediyo
Laag iyo xaraar dheer
Laan gebi ku taallooy
Lulayaan dabayluhu
Xiisaha ku laalane
Kalgacaylkii lumiyee
Loxoskii ku dumiyee
Guurkii luggooyee
Leef oo ha liqintaa
Lurka ii horseeddee
Laabtaydaneey
Lululka iga daa!

Friday, October 19, 2018

Cabdow Berisamaad (Sheeko Baraley)


Ereyada: Cabdiqafaar Ciise Cagoole
Luuqda: Khadra Daahir Cige


Inuu beer jacayloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroortii
Boogaha damqinayaan
Kugu baabay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bestaa tahay
Allahayow ku sama bixiyeey

Thursday, October 18, 2018

Bal aan Kula Dardaarmo

Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac

Sahra

Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee
Dabuubtaan ku lee yahay
Ku daabaco qalbiga oo
Weligaa ha sii deyn

Wednesday, October 17, 2018

Carro'edeg

Erayada: Muuse Cali Faruur
Laxanka: Xuuxuule (nin hilible ahaan jiray buu ahaa)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Cosob raadi geeluba
Mar buu ciin ku daaqaa
Caadh iyo xadhaadh loo
Anna ciilka kama koro
Mana daayo caashaqa
Cabashana ma waayee
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa

Monday, October 15, 2018

Tooga

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Cige Warsame (Ilbir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)


Tubeec

Ninkan caashaqu taabay
Uu tallaabo u diiday
Waxan uu tabanaayo
Adigow tari laaye
Inta aad jar ka tuurtay
Sow u maad tudhi waayin

Thursday, October 11, 2018

Googgaa


Ereyo: Maxamed Aadan Dacar
Luuq: Sahra Axmed Jaamac; Cabdulqaadir Cumar Macallin (Jubba); Aamina Cabdillaahi Xirsi; Axmed Mooge Liibaan.


Sahra iyo Aamina:

 googgii, googgii, googgii googgii.

Jubba iyo Mooge:

 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Sahra:
 googgaa, googgaa, googgaa googgaa.

Jubba:
 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Saturday, October 6, 2018

Friday, October 5, 2018

Cajabeey Cajiibeey


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) 
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec