Showing posts with label Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir). Show all posts
Showing posts with label Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir). Show all posts

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Monday, August 5, 2019

Ceel Walwaleed (wadnahaan far ku hayaa)

Erayada: Maxamed I. W. “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Wahey dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaygii
Goortaan waraystaan
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib haysaan
Is lahaa ku wiirsoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoon u yeedhee
Walqashaadii ma adaa
Cunay waaxyaheedii?!

Monday, July 29, 2019

Jacaylkaa Dhiggiisoo


Erayada: Ciise-Ganey
Laxanka: Cabdikariin-Jiir
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Ilmo dhawr habeen jiray
Haddaan waalidkii dhalay
Dhibaatada ka celinoo
Hayga dhicin ha dheelliyin
Dhabta waayo lagu hayn
Inta uu dhammays noqon
Dhakhso u ma koraayoo
Dhici mayso qayrkii
Inu dhinac istaagee;
Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in la is la dhawraa
Haddii kale se lagu dhimay!

Thursday, July 25, 2019

Dhoof Caashaq

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Jacayl aan dhammaan baa
Dhexda iigu maranoo
Kii horaa i dhaawacay
Kanna waygu dhaatee;
Dhabbuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba wax yaab laa
Igu soo dhacaayee! 

Wednesday, October 31, 2018

Muqdisho (Xamar Waa Madhaafaan)

Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Luuqda: Hibo Maxamed Nuur Huddoon (Hibo-Nuura)

Maskax lagu dadaaliyo
Illeen garasho waa maan
Muruq lagu shaqeeyiyo
Illeen quruxi waa maal
Murtiyey ma guuraan
Taariikh la soo maray
Sheekaa macneysee
Xamar waa madhaafaan
Waana lagama maarmaan
Maalkii dalkeenniyo
Kartidii midnimadaan
Labadaba ku miisnoo
Marsadiyo baddeediyo
Hawdkaa isku muuqdoo
Xamar waa madhaafaan

Thursday, October 25, 2018

Laalays

Erayada: Xasan Sheekh Muumin
Luuqda: Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)

Laalays dusheediyo
Laag iyo xaraar dheer
Laan gebi ku taallooy
Lulayaan dabayluhu
Xiisaha ku laalane
Kalgacaylkii lumiyee
Loxoskii ku dumiyee
Guurkii luggooyee
Leef oo ha liqintaa
Lurka ii horseeddee
Laabtaydaneey
Lululka iga daa!