Wednesday, December 4, 2019

Ma La Dhuubtay Awgaa

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube
Luuqda: Xuseen Yuusuf Tarabbi iyo Maryan Mursal Ciise 


Xuseen

Igu dheer e inantani
Waa taan dhursugayee
Dhuuniga u diidee
Hurda uga dhaqaaqee
Dheeheeda midabka le
Waa mid loo dhammeeyoo
Maba kala dhantaalnee


Maryan

Amba kugu dhadhabayoo
Labada isu dhiganta
Mid hadduu dhantaalmana
Dhisme u ma hagaagee
Amba dhuubtay awgaa
Habeennadan dhibaatee


Xuseen

Dhayalsaday jacaylkoo
Inta uu dhan ii riday
Ma dhexgalay wadnaha oo
Ma la dhuubtay awgaa!


Maryan

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dholondholay
I dhalaalinaysoo
Dhexdu i la yaraatee!


Xuseen

Dhadhab kugu xusuustoo
Riyo kugu la dheelee
Dhoolal xuuralcayneey
Dhan aad qabatay waayee
Kolkaad soo dhowaataa
Dhulku wada iftiimaa
Maba ka la dhantaalnide


Maryan

Laba ka la dhignaatoo
Waxaan nahay dharaar qudha
Haddii ay is dhaafaan
Isu dheelliyaysee
Amba dhuubtay awgaa
Habeennadan dhibaatee


Xuseen

Dhayalsaday jacaylkoo
Inta uu dhan ii riday
Ma dhexgalay wadnaha oo
Ma la dhuubtay awgaa!


Maryan

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dholondholay
I dhalaalinaysoo
Dhexdu i la yaraatee!


Xuseen

Sida dhuub guyoo baxay
Ama dharab arooryaad
Dhilowyahanka ubaxa le
Dhaayaha u rooneey
Dhab u socodka laafyaha
Waa mid aad u dhalatoo
Maba ka la dhantaalnide


Maryan

Amba ku ma dhaliiline
Sidaad iigu dheer tahay
Dhaxalkayga kugu qoray
In aad tahay ka dhawrtee
Amba dhuubtay awgaa
Habeennadan dhibaatee …


Xuseen

Dhayalsaday jacaylkoo
Inta uu dhan ii riday
Ma dhexgalay wadnaha oo
Ma la dhuubtay awgaa!


Maryan

Amba dhamac kalgacal baa
Inta aan la dholondholay
I dhalaalinaysoo
Dhexdu i la yaraatee!











No comments:

Post a Comment