Tuesday, December 10, 2019

Xabsi Caashaq


Ereyada: Ayaan Kaaba Axmed Caydiid
Luuqda: Faysal Muniir
Laxanka: Xariir Axmed

 Iga daa xusuusaha
Xayiraadda iga qaad
Ii keen xorriyaddii
Aan xidhiidh samaystee



Maxaa laygu kaa xidhay
Ee aan xogtaadiyo
U rabaa xaggaagoo
Adba iima xiistide

Xubbigeennu sow kii
Goor hore xijaabtee
Lagu daray xabaalaha
Ma xuskaan talo u waayay?

Xabsi caashaq lee yahay
Ka hayaa xil weynoo
Xoghayntiisa aan ahay

Ma anaan xisaabtamin
Oo kuu xidhxidhanoo
Mise xiisahaagaa
Xarka gosytay inan yahay?

Qeyrkey xisaab li'i
Farxad bay xadreeyaan
Anigana xayaatada
Xallad iima laha badan

Gafku maaha xaaraan
Waase lagala xaalaa
Qofka aad is xagataan
Ama kala xanaaqdaan

Xabsi caashaq lee yahay
Ka hayaa xil weynoo
Xoghayntiisa aan ahay.


Fiiro: maansayahanadda heesta alliftay waxay barteeda Facebook ku sheegtay in qisada heestu ay nolosheeda ku saabsan tahay. Ayaan waxay tiri, "Ereyadan waxa aan curiyey mar aan xaaladdaas ku sugnaa, Alxamdulillaah hadda waan bogsadey, balse waxaan u hibeynayaa qof kasta oo xaaladdan ku sugan iyo inta ay qancisaba. Maanta waxa ay iiga dhadhan duwanaayeen maalintaan qalinka u qaatay, balse waxaan hubaa dad ayay dhadhan u samayn doonaan maanta."


HEESO KALE OO QORAAL AH

3 comments: