Wednesday, November 28, 2018

Sida Jaawa Geel

Ereyad: Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam)*
Luuqda: Maxamad Saleebaan Tubeec

Sida jaawa geeloo
Jiilaal abaar iyo
Jeel iyo harraad helay
Xalay jeleledkaygii
Jaarkaa ku toosoo
Kaa jiifi waayoo
Adiguna ma joogtide
Ma waxaad is oo jirin
Markaan iilka jiifsado
Ee jahada lay dhigo?

Thursday, November 22, 2018

Dhoof


Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Garayd?
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)

Kuluc

Jacaylkan i dhaawacay
Jacaylkan i dhalanrogay
Jacaylkan i dhaansaday
Jacaylkii dhabta ahaa
Soo dhowaatay halistii
Haddaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirrado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhitaysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigu soo noqo

Baddu in ay Madow Dahay


Erayada: Cabdi Cali Wayd
Laxanka: Axmed Cali Cigaal?
Luuqda: Axmed Cali Cigaal

Baddu in ay madow dahay
Biyo tahay ma og tahay!
Boodhariba caashaqu
Batalaale inuu dhiguu
La soo booqdo ma og tahay
Anna inaan riyada baas
Badhtamaha habeenkii
Barkimadan ku moodoon
Beerka saaro ma og tahay

Tuesday, November 20, 2018

Baydhabo Ma Gaadhaa

Ereyada: Cabdalla Nuuraddiin Axmed
Luuqda: Cumar Dhuulle Cali

Nin jacaylku beerkiyo
Kala jaray boggiisoo
Baadidoona baan ahoo
Waan kula ballami laa
Beryo hadalka qaaddaa
Miyaad beledka dhaaftaa
Dhulka kale u badan tahay

Baydhaba ma gaadhaa

Madaxeen Bannaan


 Erayada: Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf)
Laxanka: Cabdillaahi-Qarshe
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec



Waa mahad Allee
Maantaba dunida
Ka mid baynu noo
Madaxeen iyo
Mijaheen bannaan

Waa mahad Allee
Madaxeen bannaan

Friday, November 16, 2018

Waan Soo Baraarugayaa (Baraarug)


Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Luuqda: Khadra Daahir Cige

Waan soo baraarugayaa
Badhtamaha habeenkii
Weli beerka xuunshadu
Waa kaa babbanayee
Bestay weeyee cudurkii
Waygu sii ballaadhee
Boholyow ma daayee
Naftayda aan badbaadshee

Thursday, November 15, 2018

Cidhiblaay Walaal

Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays)
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan iyo Xaliimo Aw Cabdi Saraar

Xaliimo

Curuuqdiyo lafaha
Culays saaranoo
Ceejiyaad tahee

Mooge

Ilaah Caaddilee
Ciidda ka khalqee
Cadka kaa dhigee
Calool kugu korshaa
Ku culaysiyee
Anu ku ma caddibin

Wednesday, November 14, 2018

Cagta Saar Waddada

Ereyada: Maxamed Aadan Dacar
Luuqda: Cumar Xasan Rooraaye & Qamar Cabdillaahi Harawo

Rooraaye

Waxaan ahay nin caanoo
Cilmi iyo aqoon loo
Cirka iyo dayaxa tagay
Ilbaxnimada culus iyo
Cid kastaba yaqaanoo
Ciiddaa kala shubaayee
Aan cadceedda samada iyo
Caadda ku geeyee
Caawa ila garo
Caashaqu hadduu jiro
Adaan calankaa
Calanku ii kaa dul sudhan yahee
Aan wada ciyaarnee
Hadal haygu sooc ellin

Sida Laamalooshaha


Erayada: Mustafe Sheekh Cilmi  
Laxanka: Saalax Qaasin
Luuqda: Khadra Daahir Cige

Sida laamalooshaha
Dabayluhu ay lulayaan
Ayaan laydha caashaqa
U la labalegdoodaa
 

Sunday, November 11, 2018

Sida Canabka Beeraha

Erayada: Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Xasan-Gareyd)
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)


Sida canabka beeraha
Ama kayn caleenliyo
Dhul cagaarku siman yahay
Caad iyo Garloogubay
Cosobkii ku yaalloo
Cawshu gaardiyaysoo
Cidi daaqin baad tee

Tuesday, November 6, 2018

Sida Faras Xullaaloo

Ereyada: Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil-Cagaf)
Luuqda: Cabdi Tahliil Warsame

Sida faras xullaaloo
Aan xaaluf aragoo
Nugaal xayska daaqoo
Baruur dhabarku xoodmoo
Ama Xallin fadhiyayoo
La xannaanin jirayoo
Xuddunta iyo feedhaha
Farawguu xardhoo
Oo xuub dhacsadayoo
Sayntu dhulka xaabtoo
Oo aan xajiiniyo
Weli mudan xas iyo duur
Oo xariirta shaalkiyo
Xakamihii la sudhayoo
Koore loo xambaaroo
Xog’ogaale fuuloo
Oo xuufka booddada
Xawaarada la yaaboo
Oon orodka xiiqayn
Qaar baa xarraamee
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey

Saturday, November 3, 2018

Anigoo Beledxaawo Jooga (Beledxaawo)


Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Luuqda: Binti Cumar Gacal
Laxanka: Cabdi Tahliil Warsame

Barbaarta yarkaan ka eegtay
Wiilkii isha iigu baaqay
Inankii caashaqa aan beernay
Anigu baaq baan ku raacay
Anigoo Beledxaawo jooga
Muxuu Bari iiga yeeray
Kolkaan Boosaaso gaadhay
Muxuu  Burco iiga heesay
Anoo Beer sii maraaya
Hadduu badda Boyn[1] ka raacay
Inuu been ila jilaayay
Adaa Boqorow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin dambow baroorto
Haddaan Baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo

Haatuf Igu Dhawaaqyeey (Haatuf)


Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac iyo Xasan Aadan Samatar


Sahra

Haatuf igu dhawaaqyeey
Dharaartu habeen ii tahayeey
Hurdadu soojeed ii tahayeey
Hadhkayguna adiga uu yahayeey
Oo aan haabhaabto ma og tahayeey
Dabadeed ku hungoobo ma og tahay

Friday, November 2, 2018

Boodhari Sidiisii


Erayada: Axmed Aadan Xuseen (Axmed-Masri)
Luuqda: Maxamed Nuur Giriig


Jacayl waa belaayoo
Waa baaxadsooroo
Waa anigan besteeyee
Markaan Bilan helaa buu
Iga bi’i la’aayoo
Ayadaa i bogsiisoo
Bar wadnaha ku taalloo
Igu baahday weeyee
Boodhari sidiisii
Barashada jacaylkana
Ayadaa igu beertoo

Thursday, November 1, 2018

Ismoodsiis

Erayada: Maxamed Cumar (Huryo)
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)


Qalinle

Inan yahay mar aan tegay
Miyigoo barwaaqaa
Oon maali jiray ramad
Dhallinyaro is maqashoo
Mirta dhexe ciyaar guda
Oo aan u madax ahay
Markay timi rugtiinnii
Ma aday ahayd xalay
Horta taan la soo maray
Mise waa ismoodsiis
Oo maluhu waa been
Masalada ujeeddadu!