Sunday, October 6, 2019

Jibin — Maandeeq

Erayadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Cabdillaahi Diiriye Sooraan  
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”

Ma jin baa ma jaan baa?
Mise jahawareer bay
Arrintaydu joogtaa?
Sow kan jarihii aan waday
Dhan kale u janjeedhsaday
Allahayow Janniyo naar
Adow kala jaheeyee
Aniga jooga iga maqan
Qalbigaygi la ma jiro
Oon jab iyo maamuus
Jirrab adag la soo maray
Isagana jacaylkuba
Uu la yahay dad jaallaa
Sideen ugu jaheeyaa?!


Jibintoo hillaacdiyo
Sida johorad nuurtuu
Meel ii la joogoo
Jibbadiyo kalgacalkana
Nafta waan u jari laa;
Sida roob Jirtaalaa
Ama jeerta webiyada
Ee joogta weligeed
Sow kan jabadka iga galay;
Jisahayga Eebbaa
Jannadiisa iga siine
Waxay tahay jawaabtaydu
Inaan kaba jalbeebtaa
Hadduu jabiyay wacadkii!


Jaleeladu ma geed baa?
Jigriguna ma qori baa?
Jilbiskuna ma bahal baa?
Anna jololo’daydii
Ma waxaan jirayn baa
Dadka laba jardaaqaa
Jirjirroole siduu yahay
Hadba jeego kuu dhiga
Ee aan dhannaba jirin
Iyo waxa la jaadaba
Jaliilkaan ka magangalay
Nabsiguna hadduu jiro
Ha iska jalabuteeyee
Loo joogi doonee



No comments:

Post a Comment