Showing posts with label ereyada heesta. Show all posts
Showing posts with label ereyada heesta. Show all posts

Monday, August 31, 2020

Cunnaabi

Erayada: Ibraahin Ismaaciil “Cirrasuge”

Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Saado Cali Warsame 

 

Qalinle

 

Cirguduudda waagiyo 

Himirtoo casaatiyo 

Canabkoo bislaadiyo 

Cillal rays ku baxayeey

Friday, September 27, 2019

Kalgacaylku Waa Qani

Erayada: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Hibo Maxamed (Hibo-Nuura)


Hibo-Nuura

Kalgacaylku waa qani
Caashaqa ka qara weyn
Qurux iyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimaynta aadmiga;
Labada is la qaaddana
Qalbigooda ka ma go’o
Waxa’n igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee!

Friday, April 26, 2019

Guuleed Ma Joogaa?

Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Ereyada: Cabdulqaadir Xirsi Siyaad (Yamyam)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)

Xalay gelin dhexaadkii

Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaar ah iyo
Dayaxoon galsho lahayn
Ilayskiisa galalacay
Sida goonni daaq cawl
Gaafmeeray socodkii


Monday, January 21, 2019

Waan Heesayaayee

Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbad
Codka: Maxamad Saleebaan Tubeec

Waan heesayaayee
Sannad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu hadimo lee yahay
Waa laga helaayoo
Hadhow lagu xusuustaa
Kii noo hagaagee
Noqo loo han weyn yahay

Sunday, November 11, 2018

Sida Canabka Beeraha

Erayada: Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg)
Laxanka: Xasan Sabriye Afrax (Xasan-Gareyd)
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)


Sida canabka beeraha
Ama kayn caleenliyo
Dhul cagaarku siman yahay
Caad iyo Garloogubay
Cosobkii ku yaalloo
Cawshu gaardiyaysoo
Cidi daaqin baad tee

Saturday, November 3, 2018

Anigoo Beledxaawo Jooga (Beledxaawo)


Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Luuqda: Binti Cumar Gacal
Laxanka: Cabdi Tahliil Warsame

Barbaarta yarkaan ka eegtay
Wiilkii isha iigu baaqay
Inankii caashaqa aan beernay
Anigu baaq baan ku raacay
Anigoo Beledxaawo jooga
Muxuu Bari iiga yeeray
Kolkaan Boosaaso gaadhay
Muxuu  Burco iiga heesay
Anoo Beer sii maraaya
Hadduu badda Boyn[1] ka raacay
Inuu been ila jilaayay
Adaa Boqorow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin dambow baroorto
Haddaan Baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo

Thursday, October 25, 2018

Dhalanteed

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Bashiir Xaddi
Luuqda: Xasan Diiriye Faarax iyo Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)

Xasan Diiriye

Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeen qaday
Dhafoorradu i jiidmeen
Waa dhaawacaagii
Waxan aan la dhuubtee
Markii ana ku dhawraba
Dhib baa ii kordhaysee

Laalays

Erayada: Xasan Sheekh Muumin
Luuqda: Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)

Laalays dusheediyo
Laag iyo xaraar dheer
Laan gebi ku taallooy
Lulayaan dabayluhu
Xiisaha ku laalane
Kalgacaylkii lumiyee
Loxoskii ku dumiyee
Guurkii luggooyee
Leef oo ha liqintaa
Lurka ii horseeddee
Laabtaydaneey
Lululka iga daa!

Friday, October 19, 2018

Cabdow Berisamaad (Sheeko Baraley)


Ereyada: Cabdiqafaar Ciise Cagoole
Luuqda: Khadra Daahir Cige


Inuu beer jacayloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroortii
Boogaha damqinayaan
Kugu baabay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bestaa tahay
Allahayow ku sama bixiyeey

Thursday, October 18, 2018

Bal aan Kula Dardaarmo

Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac

Sahra

Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee
Dabuubtaan ku lee yahay
Ku daabaco qalbiga oo
Weligaa ha sii deyn

Wednesday, October 17, 2018

Carro'edeg

Erayada: Muuse Cali Faruur
Laxanka: Xuuxuule (nin hilible ahaan jiray buu ahaa)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Cosob raadi geeluba
Mar buu ciin ku daaqaa
Caadh iyo xadhaadh loo
Anna ciilka kama koro
Mana daayo caashaqa
Cabashana ma waayee
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa

Monday, October 15, 2018

Tooga

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Cige Warsame (Ilbir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)


Tubeec

Ninkan caashaqu taabay
Uu tallaabo u diiday
Waxan uu tabanaayo
Adigow tari laaye
Inta aad jar ka tuurtay
Sow u maad tudhi waayin

Thursday, October 11, 2018

Googgaa


Ereyo: Maxamed Aadan Dacar
Luuq: Sahra Axmed Jaamac; Cabdulqaadir Cumar Macallin (Jubba); Aamina Cabdillaahi Xirsi; Axmed Mooge Liibaan.


Sahra iyo Aamina:

 googgii, googgii, googgii googgii.

Jubba iyo Mooge:

 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Sahra:
 googgaa, googgaa, googgaa googgaa.

Jubba:
 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Saturday, October 6, 2018

Friday, October 5, 2018

Cajabeey Cajiibeey


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) 
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec