Showing posts with label Axmed Saleebaan Bidde. Show all posts
Showing posts with label Axmed Saleebaan Bidde. Show all posts

Friday, December 6, 2019

Siddiqabax!

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac


Aburaas

Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;

Thursday, November 7, 2019

Haddii aan ku naawilay

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Adduun nugulku doogsaday
Rahuna nawda doob furay
Nafyaruhu wax quudhsaday
Ragannimooy ninkaagii
Nacasnimo maxaa baday!
Nafsigiyo ayaankow
Xaggee baad ku nooshiin?!
Haddii aan ku naawilay
Hay gabin nasiibow!

Thursday, June 20, 2019

Haddii Aanan Dhulkaygow

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Haddii aanan dhulkaygow
Dhuux cadaawe kuu karin
Haddii aanan dhulkaygow
Dhiig kuugu fooldhaqin
Haddii aanan dhulkaygow
Gobannimada soo dhicin
Soomaali kama dhalan
Maalkaaga maan dhaqan
Caanihiisa maan dhamin
Ciiddana dhab u ma ledin

Wednesday, January 23, 2019

Dhayal Looma Heesee

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Xudaydi iyo Maxamed Mooge
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan

Dhayal loo ma heesee
Dharaartii aan ku caashaqay
Ee aad dhibtaadiyo
Igu dhalisay hawlahan
Dhulkan oo gu’guu da’ay
Dhinacyadan Maqaaddiish
Dhanka midig baddii tahay
Bidixduna dhir iyo doog
Ciiddan dhabaq guduudka ah
Ee Dhiin lo’deenniyo
Geeluba ku dhaaddamo
Iyo ubaxa dhaadheer
Miyaad ka la dhex taagnayd!

Saturday, October 27, 2018

Sida Geed Caleen Loo

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc



Sida geed caleeniyo
Ubax guudka qariyeen
Ooy gooni laamaha
Ay midiba geesteed
Hoobaan is gaadhiyo
Guntin midho ah leedahay
Oo soo gandoodoo
Galka faraqa soo daray
Oo godan barwaaqaa
Durdur aan go’ayniyo
Gacan webi ku yaalla
Oon gu iyo jiilaal
Midab guurin baad too