Showing posts with label hees. Show all posts
Showing posts with label hees. Show all posts

Thursday, September 2, 2021

Digarogasho


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Sagal


Mooge

Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee 

Monday, May 11, 2020

Dirirrada


Erayada: Cismaan Cumar Cambuur (John)
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Tumidda: Cabdinaasir Macallin Caydiid
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf


Durdurradii Dharyaa iyo
Dirirrada afkoodii
Tuurta dacalladeediyo
Marka Jeexdin loo dego
Yoondheere daad maray
Degmadeenna oo taal
Dalxiis aan u aadnoo
Aqal laba daryaalaa
Dadabteenna lagu xidhay
Deeqaay ku geeyoo
Dermo aynu dhigannee
Sow u ma diyaar tihid!

Friday, December 6, 2019

Siddiqabax!

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac


Aburaas

Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Wednesday, December 4, 2019

Ma La Dhuubtay Awgaa

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube
Luuqda: Xuseen Yuusuf Tarabbi iyo Maryan Mursal Ciise 


Xuseen

Igu dheer e inantani
Waa taan dhursugayee
Dhuuniga u diidee
Hurda uga dhaqaaqee
Dheeheeda midabka le
Waa mid loo dhammeeyoo
Maba kala dhantaalnee

Sunday, November 24, 2019

Diiggaa Habeenkii

Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc

Diiggaa habeenkiyo
Markuu waagu daalaco
Duryamood ogsoontoo
Daxayoo badh kaga maqan
Dabuubta uga yeedha;
Diinkuna ma dhuunyado
Dareemada abaartoo
Afka wuu u diidaa
Hadduu gugii ku daaqee

Sunday, October 6, 2019

Jibin — Maandeeq

Erayadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Cabdillaahi Diiriye Sooraan  
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”

Ma jin baa ma jaan baa?
Mise jahawareer bay
Arrintaydu joogtaa?
Sow kan jarihii aan waday
Dhan kale u janjeedhsaday

Wednesday, October 2, 2019

Guryasamo Allahayow

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Tubeec

Garashiyo wanaag gudubtaye
Gacal iyo xigaal goysaye
Geedkii jacaylka
Guntii baad ka jartee
Guryasamo Allahayow
Geestii roon Allahayow

Gacantu Raaxo Daranaa

Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”
Laxanka: Axmed-Nuur Jaangow
Luuqda: Aamina Cabdillaahi Xirsi

Galow taah gu’ madaxii
Goohyoo “galaa yimi?”
Guugguule faal dhigay
Garan waa minka u baxay
Misna baalasha is goo;

Sunday, September 22, 2019

Ha Ku Daalin Jeedaal

Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Qays)
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc


Waxaad jeceshay la ma helo
Naftaydaay!
Wax ku jecelna diiddee
Ma og tahay Jannada udug
Nimaan jirrib u soo marin
Sahal la ma dhex joojee!

Saturday, August 31, 2019

Masalooy

Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Khadra Daahir Cige

Masalooy masalooy
Danteennii murugtay baan
Maxaadh ku luuqayaa
Markaan talo meel dhigaba
Maxaad u maroorisaa
Muranka horta kuugu wacan?

Thursday, August 1, 2019

Dhirtu waxay la ciirtaa


Erayada: Cismaan Aadan (Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Dhirtu waxay la ciirtaa
Dhulku qaadi waayaa
Dhagaxuna ka ooyaa
Baddu dhiig ilmaysaa
Cirku dhibica daayaa
Ballan ruux intuu dhigay
Dhayalsaday dabeedoo
Wacadkiina dhaafee!

Wednesday, July 31, 2019

Hibooy (Gacanlow iyo Magool)


Erayada: Saxardiid M. Jebiye
Luuqda: Cismaan Cabdikariin (Gacanlow) iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)

Gacanlow

Hiboy hunguri in uu wadkaa yahoo
Hadduu ku haleelo kula hadha oo
Heddaada jaraayo ma og tahay?

Ma Dadkii Kitaabkiyo


Erayada: Cabdiqaadir Xirsi ‘Yamyam’
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Cumar Cabdulle Nuur


Dusha timaha guudkee
Dib u dhaafay adhaxdiyo
Dibna-hadalka-qaadmada
Ilka dabar cad kaga yaal
Dib markaan u fiirsado
Fanax yara 'damuuqsiye?'
I dishaye cabbaaryada
Is la gaaray dacallada
Degga labada garab iyo
Waaxyaha dushooda
Dan-dhaqaaqa laafyaha
Dadyow anigu yaabaye!

Monday, July 29, 2019

Jacaylkaa Dhiggiisoo


Erayada: Ciise-Ganey
Laxanka: Cabdikariin-Jiir
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Ilmo dhawr habeen jiray
Haddaan waalidkii dhalay
Dhibaatada ka celinoo
Hayga dhicin ha dheelliyin
Dhabta waayo lagu hayn
Inta uu dhammays noqon
Dhakhso u ma koraayoo
Dhici mayso qayrkii
Inu dhinac istaagee;
Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in la is la dhawraa
Haddii kale se lagu dhimay!

Sunday, July 28, 2019

Gorayo

Erayada: Xasan x. Cabdillaahi (Ganey)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Caashaqani muxuu gabay
Laba guusha wada jecel
God muxuu ku kala riday
Laba guur isku ogaa
Geerida mid yidhi ‘hoo

Thursday, July 25, 2019

Dhoof Caashaq

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Jacayl aan dhammaan baa
Dhexda iigu maranoo
Kii horaa i dhaawacay
Kanna waygu dhaatee;
Dhabbuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba wax yaab laa
Igu soo dhacaayee! 

Wednesday, July 24, 2019

Ubaxii Baxaayaay!


Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays)
Laxanka: Cabdi-Qays?
Luuqda: Maxamed Warsame Qaasaalli


Ilaaheenna weyn baa
Amarkiisu fulayaa
Inaad adigu talisaad
Ayaamahan is mooddee;
Anoo oon kalgacal qaba
Waadigii abaallaay
Iga awtay dhegahee …

Thursday, June 20, 2019

Haddii Aanan Dhulkaygow

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Haddii aanan dhulkaygow
Dhuux cadaawe kuu karin
Haddii aanan dhulkaygow
Dhiig kuugu fooldhaqin
Haddii aanan dhulkaygow
Gobannimada soo dhicin
Soomaali kama dhalan
Maalkaaga maan dhaqan
Caanihiisa maan dhamin
Ciiddana dhab u ma ledin

Wednesday, June 19, 2019

Wacdaraha Adduunka


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayay;