Friday, September 27, 2019

Kalgacaylku Waa Qani

Erayada: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Hibo Maxamed (Hibo-Nuura)


Hibo-Nuura

Kalgacaylku waa qani
Caashaqa ka qara weyn
Qurux iyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimaynta aadmiga;
Labada is la qaaddana
Qalbigooda ka ma go’o
Waxa’n igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee!

Sunday, September 22, 2019

Ha Ku Daalin Jeedaal

Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Qays)
Laxanka: Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc


Waxaad jeceshay la ma helo
Naftaydaay!
Wax ku jecelna diiddee
Ma og tahay Jannada udug
Nimaan jirrib u soo marin
Sahal la ma dhex joojee!

Friday, September 20, 2019

Kaalay!

Erayada: Maxamed Aadan “Dacar”
Luuqda: Khadra Daahir Cige iyo Cumar Xasan "Rooraaye"

Khadra

Ma og tahay in badan baan
Kaa aamusnaayoon
Afka kaala baqayee
Ma og tahay indhaha iyo
Uurkuba daraaddaa
In ay kuu ilmeeyaan
Kalgacayl la ooyaan;
Ugub kula midaan ahee
Sidaan aabbahaa dilay
Oodda hayga roganine
Umalka iga daa!

Monday, September 16, 2019

Adduunyada Nin Dhoofiyo

Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec
Ereyada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd (?)


Adduunyada nin dhoofiyo

Ninkii deggen dhulkii hooyo
Nin dhergiyo
Nin dhawr qaday
Aan dheef hayn
Dheddigiyo laboodba
Hawli kama dhammaatee
Qof waliba waxii dhibay
Dhafoorkay ku taallaa
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!