Showing posts with label Yuusuf Aadan Allaale. Show all posts
Showing posts with label Yuusuf Aadan Allaale. Show all posts

Saturday, November 3, 2018

Anigoo Beledxaawo Jooga (Beledxaawo)


Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Luuqda: Binti Cumar Gacal
Laxanka: Cabdi Tahliil Warsame

Barbaarta yarkaan ka eegtay
Wiilkii isha iigu baaqay
Inankii caashaqa aan beernay
Anigu baaq baan ku raacay
Anigoo Beledxaawo jooga
Muxuu Bari iiga yeeray
Kolkaan Boosaaso gaadhay
Muxuu  Burco iiga heesay
Anoo Beer sii maraaya
Hadduu badda Boyn[1] ka raacay
Inuu been ila jilaayay
Adaa Boqorow ogaaye
I bixiyoo iga badbaadi
Haddaan bogsadoon ka raysto
Sidaan uga booday caashaq
Jacaylba haddaan u booyo
Haddaan nin dambow baroorto
Haddaan Baxsanow iraahdo
Aniga balaayaba hayga raacdo

Wednesday, October 31, 2018

Muqdisho (Xamar Waa Madhaafaan)

Ereyada: Yuusuf Aadan Allaale
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Cabdikariin-Jiir)
Luuqda: Hibo Maxamed Nuur Huddoon (Hibo-Nuura)

Maskax lagu dadaaliyo
Illeen garasho waa maan
Muruq lagu shaqeeyiyo
Illeen quruxi waa maal
Murtiyey ma guuraan
Taariikh la soo maray
Sheekaa macneysee
Xamar waa madhaafaan
Waana lagama maarmaan
Maalkii dalkeenniyo
Kartidii midnimadaan
Labadaba ku miisnoo
Marsadiyo baddeediyo
Hawdkaa isku muuqdoo
Xamar waa madhaafaan