Thursday, October 11, 2018

Googgaa


Ereyo: Maxamed Aadan Dacar
Luuq: Sahra Axmed Jaamac; Cabdulqaadir Cumar Macallin (Jubba); Aamina Cabdillaahi Xirsi; Axmed Mooge Liibaan.


Sahra iyo Aamina:

 googgii, googgii, googgii googgii.

Jubba iyo Mooge:

 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Sahra:
 googgaa, googgaa, googgaa googgaa.

Jubba:
 cigalle, cigalle cigalle cigalle.




Sahra:

Haddaad geed beer ka beerto
Garaac iyo godin u diiddo
Gu’yaal badan aad sugayso
Hadduu goonni isu taago
Hadduu guudka miro ku yeesho
Adoo gurashada u baahan
Laamaha gacantaadu gaadho
Haddii aad goosan waydo
Malabka guudkiisa saaran
Indhaha gacaltooyadoodii
Naftii gocoshada ku raagtay
Galladdaa ma ku sabi kartaa.

Cabdiqaaddir-Jubba:
Ma garan sheekada guntane
Ha ii soo guud marine
Maahmaah waa laga gudbee
Haddaad geeddi meel u tahay
Haddaad u gol leeday xaajo
Intaan gaarigu dhaqaaqin
Meel baan yara gaari laa
Ha soo gaangaabinine
Ka saar galka seefta oo
Goobjoogba ha loo noqdee
U sheeg guurtida kalana
Gorfaynta ha la wada maqlee.


Aamina Cabdillaahi:
Hadalku gees kama rarree
Warkuba waa gaabanyee
Xisaabta u gee ka goo
Ayaa dib u gurasho lee
Tilmaan daaqsin geel u mari
Nin garasho leh baa la yiri
Su’aashii hore ka gudub
Gurgurka qaansada ku noqo
Gashaantimo waannu nahay
Gayaankayo waad tihiin
Rabbaa isu keen galladay
Guudkaannu idiin fidhaynnay
Guur iyo ballan baan lahayn
Jacaylkii baa godladay
Waqtigu waa galab-carrow
Geeriyo geeddaa jiree
Gees uun baa loo dhacaa
Galbiska idinkaa hayee
Goormaan wada aqalgalnaa?

Mooge:
Gabdhow waa yeelkadiin!
Garaad dumar baad siddaan
Gu’yaal sheekadii jirtee
Dunidu waa galabba cayn
Harka labadiisa gelin
Ilbuxuu u gaarayee
Markaad geel dhaqatid baa
Gaawaha loo soo cushaaa
Gacmaha yaa idinku jira?
Goormaa laga tagay warkaa
Cishqigu wuu gaaggaxoo
Guurkii waa laga noqdee!
Ka gooya caloosha taa
Gayaanku waa badan yahee
Geyiga rag u doonta oo
Ha goconina wacad horee
Go’aankaan dambuun ka raac
Ma qasab baa goobta yaal?
Guudbaay jaaw gacallayaal
Geestaad doontaan u qaata oo
Gammuuran!
Gam oo gayaxan!

Fiiro: heestani waxay ka mid ahayd ruwaayaddii Beeney Waa Run. Ma hubno in magaceedu 'Googgaa' yahay. Haddii aad magaceeda saxda ah taqaanno, fadlan hoos faallo ahaan ugu qor.





4 comments:

  1. Waa hees aad u macaan oo murti balaadhan xambaarsan lkn laxankaa caniibka ah cidii lahayd maad sheegin wll. Ku mahadsanid sida quruxda badan eed qoraalka ugu samaysay

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigaa mudan. Haddii aad garanayso ciddii laxanka samaysay nagu caawi si aan u diiwaangelinno.

      Delete
  2. wa hees dhinac yabadan tabanaysa dadk ii hore fanka ayy wax isku sheegi jireeen

    ReplyDelete
  3. Xaqiiq waxay ka mid tahay riwaayada aan aad u jacelahay
    Sahra
    Amina
    Abdiqadir
    Mooge
    Inti dhimaday ilahay ha u naxariisto inta joogtana ilaahay cimriga ha u barakeeyo ameen

    ReplyDelete