Monday, May 11, 2020

Dirirrada


Erayada: Cismaan Cumar Cambuur (John)
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Tumidda: Cabdinaasir Macallin Caydiid
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf


Durdurradii Dharyaa iyo
Dirirrada afkoodii
Tuurta dacalladeediyo
Marka Jeexdin loo dego
Yoondheere daad maray
Degmadeenna oo taal
Dalxiis aan u aadnoo
Aqal laba daryaalaa
Dadabteenna lagu xidhay
Deeqaay ku geeyoo
Dermo aynu dhigannee
Sow u ma diyaar tihid!

Hiddihii la deday baan
Diirka kaaga dhilayaa
Diric qaadan mayside
Diibkii timaha iyo
Saddexqaydka doorkaa
Ama darayamuuskii
Dunta Boqorka ee wacan
Ayaan kuu dalbanayaa
Dhaqankeenna doorkaa
Inaan dib u qorshaynnaa
Damiirkaygu jecelyee
Sow u ma diyaar tihid!

[……..]
Dusha shaqal ka mariyeen
Darafkana madiideen
Dambar aan ku shubannoo
Galaas kuu dardara oo
Caleemaha is dabay iyo
Deegaanta dhuubkaa
Aynu wada dawaafnoo
Deeqaay ku geeyee
Sow u ma diyaar tihid!



Fiiro! Dharyo (Lafta Dherida), Dirirrada, Tuurta, Jeexdin iyo Yoondheere waa degaamo Hargeysa ka xiga koonfur-bari.  




No comments:

Post a Comment