Sunday, October 6, 2019

Jibin — Maandeeq

Erayadii: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Cabdillaahi Diiriye Sooraan  
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”

Ma jin baa ma jaan baa?
Mise jahawareer bay
Arrintaydu joogtaa?
Sow kan jarihii aan waday
Dhan kale u janjeedhsaday

Go'doon


Erayada: Ciise Warsame Samatar “Dhancadde”
Laxanka: Cabdalle Maxamed Carraale “Sagsaag”
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Haddaan gudin Ilaahay
Aanu kugu gargaarayn
Waxba kuu ma goysoo
Gacmahaa ku daalee
Garan wayday taladii
Gacal iyo nasteexoo
Adigay is go’doonshee

Wednesday, October 2, 2019

Guryasamo Allahayow

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Tubeec

Garashiyo wanaag gudubtaye
Gacal iyo xigaal goysaye
Geedkii jacaylka
Guntii baad ka jartee
Guryasamo Allahayow
Geestii roon Allahayow

Gacantu Raaxo Daranaa

Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”
Laxanka: Axmed-Nuur Jaangow
Luuqda: Aamina Cabdillaahi Xirsi

Galow taah gu’ madaxii
Goohyoo “galaa yimi?”
Guugguule faal dhigay
Garan waa minka u baxay
Misna baalasha is goo;