Showing posts with label Wadnahaan far ku hayaa. Show all posts
Showing posts with label Wadnahaan far ku hayaa. Show all posts

Monday, August 5, 2019

Ceel Walwaleed (wadnahaan far ku hayaa)

Erayada: Maxamed I. W. “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Wahey dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaygii
Goortaan waraystaan
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib haysaan
Is lahaa ku wiirsoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoon u yeedhee
Walqashaadii ma adaa
Cunay waaxyaheedii?!