Showing posts with label Kalgacaylku Waa Qani. Show all posts
Showing posts with label Kalgacaylku Waa Qani. Show all posts

Friday, September 27, 2019

Kalgacaylku Waa Qani

Erayada: Cabdillaahi Diiriye Sooraan
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Hibo Maxamed (Hibo-Nuura)


Hibo-Nuura

Kalgacaylku waa qani
Caashaqa ka qara weyn
Qurux iyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya
Qiimaynta aadmiga;
Labada is la qaaddana
Qalbigooda ka ma go’o
Waxa’n igaba kaa qaban
Kuu quudhi maayee!