Laxanka:
Maxamed Axmed Kuluc
Luuqda:
Maxamed Axmed Kuluc
Waxaad
jeceshay la ma helo
Naftaydaay!
Wax
ku jecelna diiddee
Ma
og tahay Jannada udug
Nimaan
jirrib u soo marin
Sahal
la ma dhex joojee!
Haddaad
jamato geed adag
Oonad
hayn wax kuu jara
Jabin
mayso gacantuye;
Ha
ku daalin jeedaal
Indho
soo ma jiidaan
Qalbi
kaa janjeedha!
Lugta
jeeni dhaaftaa
Naftaydaay!
Way
jabtaaye ma og tahay
Webi
soo jirfaday iyo
Badda
jaw le ma og tahay
Cagaa
la ma dhex joojee!
Haddaad
jamato cadowgaa
Iyo
ruux ku jiidh neceb
Hadhka
kuu ma jiidee;
Ha
ku daalin jeedaal
Indho
soo ma jiidaan
Qalbi
kaa janjeedha!
Waxaad
cayn ku jiid tidhi
Naftaydaay
Awrka
samada joogee
Ma
og tahay Jannada udug
Nimaan
jirrib u soo marin
Sahal
la ma dhex joojee
Nebi
Khadar jidkuu maray
Adoon
“jaase” u lahayn
Ayaad
jiidh is leedee
Biyo
nolosha jira iyo
Ceelkuu
dul joogsaday
Malaha
jabaqsan mayside;
Ha
ku daalin jeedaal
Indho
soo ma jiidaan
Qalbi
kaa janjeedha…
No comments:
Post a Comment