Showing posts with label Sahra Axmed Jaamac. Show all posts
Showing posts with label Sahra Axmed Jaamac. Show all posts

Friday, December 6, 2019

Siddiqabax!

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac


Aburaas

Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;

Thursday, November 7, 2019

Haddii aan ku naawilay

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Adduun nugulku doogsaday
Rahuna nawda doob furay
Nafyaruhu wax quudhsaday
Ragannimooy ninkaagii
Nacasnimo maxaa baday!
Nafsigiyo ayaankow
Xaggee baad ku nooshiin?!
Haddii aan ku naawilay
Hay gabin nasiibow!

Thursday, August 1, 2019

Dhirtu waxay la ciirtaa


Erayada: Cismaan Aadan (Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Dhirtu waxay la ciirtaa
Dhulku qaadi waayaa
Dhagaxuna ka ooyaa
Baddu dhiig ilmaysaa
Cirku dhibica daayaa
Ballan ruux intuu dhigay
Dhayalsaday dabeedoo
Wacadkiina dhaafee!

Thursday, June 6, 2019

Badda Caashaqa


Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Badda caashaqeen gudhin
Een cidi ka soo bixin
Aday baraye ma og tahay!
Kolkii aan barriinsaday
Ka baxdaye maxaa dhacay
Beenaysay wacadkii! 

Saturday, November 3, 2018

Haatuf Igu Dhawaaqyeey (Haatuf)


Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac iyo Xasan Aadan Samatar


Sahra

Haatuf igu dhawaaqyeey
Dharaartu habeen ii tahayeey
Hurdadu soojeed ii tahayeey
Hadhkayguna adiga uu yahayeey
Oo aan haabhaabto ma og tahayeey
Dabadeed ku hungoobo ma og tahay

Tuesday, October 30, 2018

Cududdayda Sii Daa


Erayada: Cali Cilmi Aflow
Laxanka: Aweys Abuukar Nuur (Goobbe)?
Luuqda: Xasan Aadan iyo Sahra Axmed


Xasan

Canabkoo magooliyo
Carguduudda midhihiyo
Cosobiyo dhul baad laay
Lagu mood cirjiidheey
Casar roob darrooroo
Ay cadceeddu qabatiyo
Calcalyada xareeddee
Midabkaagan ciidkee
Caashaqa u sahanaa
Niyadaydi cugataye
Ku calmadaye ma og tahay?

Thursday, October 18, 2018

Bal aan Kula Dardaarmo

Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac

Sahra

Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee
Dabuubtaan ku lee yahay
Ku daabaco qalbiga oo
Weligaa ha sii deyn

Wednesday, October 17, 2018

Carro'edeg

Erayada: Muuse Cali Faruur
Laxanka: Xuuxuule (nin hilible ahaan jiray buu ahaa)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Cosob raadi geeluba
Mar buu ciin ku daaqaa
Caadh iyo xadhaadh loo
Anna ciilka kama koro
Mana daayo caashaqa
Cabashana ma waayee
Kii aan calmadayeen
Carro'edeg ka doortaa
I mariyay ceebtaa

Thursday, October 11, 2018

Googgaa


Ereyo: Maxamed Aadan Dacar
Luuq: Sahra Axmed Jaamac; Cabdulqaadir Cumar Macallin (Jubba); Aamina Cabdillaahi Xirsi; Axmed Mooge Liibaan.


Sahra iyo Aamina:

 googgii, googgii, googgii googgii.

Jubba iyo Mooge:

 cigalle, cigalle cigalle cigalle.

Sahra:
 googgaa, googgaa, googgaa googgaa.

Jubba:
 cigalle, cigalle cigalle cigalle.