Laxanka:
Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda:
Sahra Axmed Jaamac
Adduun
nugulku doogsaday
Rahuna nawda doob furay
Nafyaruhu
wax quudhsaday
Ragannimooy
ninkaagii
Nacasnimo
maxaa baday!
Nafsigiyo
ayaankow
Xaggee
baad ku nooshiin?!
Hay
gabin nasiibow!
Illayn
jacaylku waa nabar
Waa
nudub calooleed
Oo
lagama nuuxsado!
Adduun
laysu nool yahay
Naruurada
dhiggeen qabo
Naxli
inaan ku sii bado
Adoon
noogsan caashaqa
Markaan
hibasho nuuxsado
Naftu
waygu diiddaa
Nabaadiyo nas i la gaadh
Haddii
aan ku naawilay
Hay
gabin nasiibow!
Illayn
jacaylku waa nabar
Waa
nudub calooleed
Oo
lagama nuuxsado!
Allayahow
na nabadgeli
Naska
iyo naruurada
Nimcadaada
nagu dhawr
Nolol
‘u quuriwaagiyo’
Nacas
igu ambada iyo
Nin
la duufsanaayiyo
Nacab
iyo warxuma iyo
Dadka
intaydin nabad tiin
Nafta
kuwaan la qaybsado
Nabdigaan
ku haystaye
Haddii
aan ku naawilay
Hay
gabin nasiibow!
Illayn
jacaylku waa nabar
Waa
nudub calooleed
Oo
lagama nuuxsado!
Allahayow
na nabadgeli
Naska
iyo naruurada
Nimcadaada
nagu dhawr
No comments:
Post a Comment