Sunday, November 7, 2021

Alla May Dadaasho

Erayada: Maxamed Cumar Xuseen “Huryo”

Laxanka: Maxamed Saleebaan Tubeec

Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Cidlaan dawaafaa

Ka daydayaayoo

Daruurahaan hadal

Intaa u dirayaa!

Dulmaan qabaayoo

Adaan ku doortoo

Dartaa u ooyee

Mad ii dadaashid

Oo diiftan an qabo

Iga dawaysid


Oo may dadaasho

Oo ay i daryeesho!

 

Alla may dadaasho

Ooy ku daryeesho!

 

Bal dadyow adduunka

Labadii is doortaa

Isu daacad maahoo

Iyagaa is dilaaya

 

Alla may dadaasho

Ooy ku daryeesho!

 

Tay naftaydu doontay

Inuu Daa’in keeno

Iigu soo duceeya

Kuugu soo ducaynnay


EREYADA INTA HARSAN HALKAAN HOOSE KA DAAWO

HALKAAN KA DAAWO/AKHRISO - YOUTUBE HEELLOOY




FADALAN KU SOO BIIR YOUTUBE-KEENNA


Thursday, September 2, 2021

Maxaa Naga Cusub?

 Waan idin salaannay asxaabta blog-gan ku xidhan

Muddo dheer ayuu qoraalkii HAKAD naga galay. RAALLI AHAADA, intiinnii sida dhow noo la socotay.

Digarogasho


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Sagal


Mooge

Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee 

Tuesday, July 20, 2021

Cabdow Berisamaad (Sheeko Baraley)

 Ereyada: Cabdiqafaar Ciise Cagoole

Luuqda: Khadra Daahir Cige


Inuu beer jacayloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroortii
Boogaha damqinayaan
Kugu baabay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bestaa tahay
Allahayow ku sama bixiyeey

Monday, August 31, 2020

Cunnaabi

Erayada: Ibraahin Ismaaciil “Cirrasuge”

Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Saado Cali Warsame 

 

Qalinle

 

Cirguduudda waagiyo 

Himirtoo casaatiyo 

Canabkoo bislaadiyo 

Cillal rays ku baxayeey

Monday, May 11, 2020

Dirirrada


Erayada: Cismaan Cumar Cambuur (John)
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Tumidda: Cabdinaasir Macallin Caydiid
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf


Durdurradii Dharyaa iyo
Dirirrada afkoodii
Tuurta dacalladeediyo
Marka Jeexdin loo dego
Yoondheere daad maray
Degmadeenna oo taal
Dalxiis aan u aadnoo
Aqal laba daryaalaa
Dadabteenna lagu xidhay
Deeqaay ku geeyoo
Dermo aynu dhigannee
Sow u ma diyaar tihid!

Tuesday, December 10, 2019

Xabsi Caashaq


Ereyada: Ayaan Kaaba Axmed Caydiid
Luuqda: Faysal Muniir
Laxanka: Xariir Axmed

 Iga daa xusuusaha
Xayiraadda iga qaad
Ii keen xorriyaddii
Aan xidhiidh samaystee

Friday, December 6, 2019

Siddiqabax!

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac


Aburaas

Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;

Thursday, December 5, 2019

Axaddii — Maxamed Mooge

Erayada: M. I. Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda tii aan
Ku ildoogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigii aad martiyo
Meeshii aad i tidhi
Waan imanayaa?

Wednesday, December 4, 2019

Ma La Dhuubtay Awgaa

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube
Luuqda: Xuseen Yuusuf Tarabbi iyo Maryan Mursal Ciise 


Xuseen

Igu dheer e inantani
Waa taan dhursugayee
Dhuuniga u diidee
Hurda uga dhaqaaqee
Dheeheeda midabka le
Waa mid loo dhammeeyoo
Maba kala dhantaalnee