Showing posts with label Maxamed Cali Kaariye. Show all posts
Showing posts with label Maxamed Cali Kaariye. Show all posts

Wednesday, October 2, 2019

Guryasamo Allahayow

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”


Tubeec

Garashiyo wanaag gudubtaye
Gacal iyo xigaal goysaye
Geedkii jacaylka
Guntii baad ka jartee
Guryasamo Allahayow
Geestii roon Allahayow

Monday, September 16, 2019

Adduunyada Nin Dhoofiyo

Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec
Ereyada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Gareyd (?)


Adduunyada nin dhoofiyo

Ninkii deggen dhulkii hooyo
Nin dhergiyo
Nin dhawr qaday
Aan dheef hayn
Dheddigiyo laboodba
Hawli kama dhammaatee
Qof waliba waxii dhibay
Dhafoorkay ku taallaa
Anna dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheelliyaaye!


Thursday, July 25, 2019

Dhoof Caashaq

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar


Jacayl aan dhammaan baa
Dhexda iigu maranoo
Kii horaa i dhaawacay
Kanna waygu dhaatee;
Dhabbuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba wax yaab laa
Igu soo dhacaayee! 

Thursday, November 22, 2018

Dhoof


Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Xasan-Garayd?
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc iyo Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)

Kuluc

Jacaylkan i dhaawacay
Jacaylkan i dhalanrogay
Jacaylkan i dhaansaday
Jacaylkii dhabta ahaa
Soo dhowaatay halistii
Haddaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirrado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhitaysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigu soo noqo

Friday, November 16, 2018

Waan Soo Baraarugayaa (Baraarug)


Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Luuqda: Khadra Daahir Cige

Waan soo baraarugayaa
Badhtamaha habeenkii
Weli beerka xuunshadu
Waa kaa babbanayee
Bestay weeyee cudurkii
Waygu sii ballaadhee
Boholyow ma daayee
Naftayda aan badbaadshee

Thursday, October 25, 2018

Dhalanteed

Erayada: Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Bashiir Xaddi
Luuqda: Xasan Diiriye Faarax iyo Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)

Xasan Diiriye

Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr habeen qaday
Dhafoorradu i jiidmeen
Waa dhaawacaagii
Waxan aan la dhuubtee
Markii ana ku dhawraba
Dhib baa ii kordhaysee