Monday, March 25, 2019

Dawo (Daruur Curatay baa)



Erayada: Aadan Tarabbi Jaamac
Laxanka: Aadan Tarabbi Jaamac
Luuqda: Cabdiraxmaan Xasan Rooraaye (Abu Raas) iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi

Abu Raas

Daruur curatay baa
Anoo debad fadhiya
Igu soo da’dee;
Doox soo rogmiyo
Dufaan cir iyo
Daad baa i sidee;
Bal Dawooy adaa
Dadna iigu dhow
Deyi wayday hooy
Darxumadaan qabee
Nafsi lala darsaa
Danbabeer ma lee
Dib u fiirsa oo
Yaanu kugu danbayn

Saturday, March 23, 2019

Jaw Nabadgelyo!


Erayada: Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey)
Luuqda: Xaliimo Cumar Khaliif (Magool)

Ma jir caashaq bay helay
Ma adaa Jardooliyo
Jirdagooye kugu dhacay;
Ma anaa jidiinkiyo
Carrabkaygu jalaq gabay!
Sidaan anigu jecelahay
Adigoo u jeel qaba
Ma jiq bay na kala xiga
Iyo buurtii jamal Qaaf!
Anoo jiifka qaban liyo
Adoo jeegada u yaal
Miyay talaba joogtaa!

Monday, March 18, 2019

Beerkey Adaa ku Weyn

Ereyada:...... ?
Luuqda: Maxamad Aadan Shamuuri

Billow bisinkaa u weyn
Aqoon barashaa ka weyn
Billaahi yaqiin u weyn
Xijaabna burdaha u weyn
Naftayda bar baad tahoo
Jacayl igu biirayaa
Intaa igu baahayee

Friday, March 1, 2019

Midab Gumaysi Diida (Madaxdii Afrikaay)


Erayada: Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub”
Luuqda: Cabdi Cali Bacalwaan iyo Dalays iyo jiibinta Kooxdii Waaberi!


Ian Smith[i] ma muuqdeen
Rhodesia[ii] ma maageen
Haddaan midig la siinin