Saturday, August 31, 2019

Masalooy

Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Saalax Qaasin Naaji
Luuqda: Khadra Daahir Cige

Masalooy masalooy
Danteennii murugtay baan
Maxaadh ku luuqayaa
Markaan talo meel dhigaba
Maxaad u maroorisaa
Muranka horta kuugu wacan?

Monday, August 5, 2019

Ceel Walwaleed (wadnahaan far ku hayaa)

Erayada: Maxamed I. W. “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Wahey dhalashadaadaan
Farxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylaha
Ama weriyahaygii
Goortaan waraystaan
Werwer ii dhammaadoo
Wahab layga qaadoo
Lugtu weerar mooyee
Wahsigii illowdoo
Wadar iga lib haysaan
Is lahaa ku wiirsoo
Waayeel duceeyaan
Wacayoon u yeedhee
Walqashaadii ma adaa
Cunay waaxyaheedii?!

Thursday, August 1, 2019

Dhirtu waxay la ciirtaa


Erayada: Cismaan Aadan (Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Dhirtu waxay la ciirtaa
Dhulku qaadi waayaa
Dhagaxuna ka ooyaa
Baddu dhiig ilmaysaa
Cirku dhibica daayaa
Ballan ruux intuu dhigay
Dhayalsaday dabeedoo
Wacadkiina dhaafee!