Showing posts with label Ma Dadkii Kitaabkiyo. Show all posts
Showing posts with label Ma Dadkii Kitaabkiyo. Show all posts

Wednesday, July 31, 2019

Ma Dadkii Kitaabkiyo


Erayada: Cabdiqaadir Xirsi ‘Yamyam’
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Cumar Cabdulle Nuur


Dusha timaha guudkee
Dib u dhaafay adhaxdiyo
Dibna-hadalka-qaadmada
Ilka dabar cad kaga yaal
Dib markaan u fiirsado
Fanax yara 'damuuqsiye?'
I dishaye cabbaaryada
Is la gaaray dacallada
Degga labada garab iyo
Waaxyaha dushooda
Dan-dhaqaaqa laafyaha
Dadyow anigu yaabaye!