Wednesday, July 24, 2019

Ubaxii Baxaayaay!


Erayada: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays)
Laxanka: Cabdi-Qays?
Luuqda: Maxamed Warsame Qaasaalli


Ilaaheenna weyn baa
Amarkiisu fulayaa
Inaad adigu talisaad
Ayaamahan is mooddee;
Anoo oon kalgacal qaba
Waadigii abaallaay
Iga awtay dhegahee …

Waa adduunyoo
Illeen aayo ma lahee
Ubaxii baxaayaay
Sow adigan abaarsaday!

Nabsi waa aleel cuna
Adhaxda iyo feedhahoo
Waa mici abeesoo
Aayaha ku legaddee;
Ma illoobin goortaad
Nabadeennii aasteed
Arxan iga fogaysee…

Waa adduunyoo
Illeen aayo ma lahee
Ubaxii baxaayaay
Sow adigan abaarsaday!


Ugbaadkiyo dooggay
Adduunyadu ku naaxdaa
Urshi ma laha meeshii
‘Udub?’ lagu tilmaamaa;
Laba eefka dhaxaad
Afar qaadday socodkee
Haddaad uub ka lulataa…

Waa adduunyoo
Illeen aayo ma lahee
Ubaxii baxaayaay
Sow adigan abaarsaday!

Xiddiggaygii aasnaa
Ururkuu ku biiroo
Soo celi iftiinkoo
Ili qabatay weeyee;
Alla magane waan rabay
Inay kugu adkaatoo
Cidna eersan waydee…

Waa adduunyoo
Qosol kuma idlaatee
Ila arag ‘ax’ iyo ‘way
Inay urugo leedahay
Inay oohin leedahay!  





No comments:

Post a Comment