Ereyada: Cabdiqafaar Ciise Cagoole
Luuqda: Khadra Daahir Cige
Inuu beer jacayloo
Kalgacayl ku baahiyo
Hadallada baroortii
Boogaha damqinayaan
Kugu baabay maqallay
Baxnaanadu siday tahay
Miyaad weli bestaa tahay
Allahayow ku sama bixiyeey
Cabdow berisamaadkii
Markay sheeko baraley
Kaftan la is la beegsado
Ma baraarugtaayoo
Boholyow ma oydaa?
Wadnahaagu bihinbiha
Qof badweyn dusheediyo
Ka tallaabay buuraha
Ma u baaqayaayoo
Weli ma u baroortaa?
Bidhaan uusan gaadhayn
Biligteeda muuqaa
Ma ka daba baqoolaa
Bacadkiyo kulaylaha
Dhibta ma u badheedhaa
“Bil dhan raadki”? gadatayoo
Halkii bahal ku cuni lahaa
Tilmaantii ku bixitima
Miyuu baafiyaayoo
Beelaha ka goobaa
Bukaansocodka liitaa
Ragga waa ku badan yahay
Ha u baraqnuglaan hawl
Cirka baaxaddiis la eg
Barashadan is nuugtiyo
Axdigaagan baabba’ay
Haween baad ku baratee
Ka adkayso bayddii
Ha ka daba balanbalin
Baahidaada adigaa
Dhibta baanan karayoo
Samo waxaad bidaysana
Kuu ma baasagelinine
Dabkan kugu baxayaa
Boholyow i geliyoo
Aan is idhi bakhtiiye
Adaan kuu birmanayee
Bashbash iyo barwaaqiyo
Badhaadhaan rajeeyee
Adaan kuu birmanayee
Samir weel ka buuxsoo
Ayaan dantaadu baylihin
Bidhaan raadki gadatayoo
ReplyDelete----
Aad ayaad ugu mahadsan tihiin waanna bogaadinayaa qaabkan aad u soo badhigtaan heesaha.
Waxaad xustaan ruuxa curiyay, qifkii laxameeyay, cidda ku luuqaysa oo la socdaan erayadii oo qoran iyo codkii.
Mahadsanid, Indhageelle. Laakiin abwaanku ma laba jeer buu erayga “bidhaan” soo celiyay? Weliba waa isku hal qayb/tuduc.
Delete@Muxumed, ereyada aan hubi waynay oo aan calaama-su'aalka saarnay in aad naga caawisay oo aad ereygii saxda ah nagu kordhisay, si aad ah ayaan kaaga mahadcelinaynaa runtii.
ReplyDeleteAan idiin raaciyo mulaxanka saaray heestan oo ahaa Siciid Harawo...... Waxa aan ka soo xiganayaa isla abwaanka heestan sameeyeu oo ay VoA Soomaali waraysatay, isagoo ka sheekaynaya sababta ay ku timi heestu, ayuu raaciyey in Siciid Harawo saaray laxanka.
ReplyDeleteAad iyo aad baad u mahadsantihiin waa wax loo baahnaa oo la intifaacsanayo, suugaan ahaanna faaiido u leh qawmiyadda Soomaaliyeed.
@Xalliye, ku mahadsanid xogtaas iyo dhiirrigelinta.
DeleteWalaalo iyo waa xasuusin heesihii beri samaadka
ReplyDeleteAad bad u mahadsantihiin waxaan la dhacay heeso aan qoraalkooda la'aa ayaan ardaagiina ka helay mahadsanidiin