Erayada: Maxamed
Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey "Jiir"
Luuqda: Maxamed Mooge
iyo Shankarroon Axmed “Sagal ”
Mooge
Jidhku wuxu dubaaxshaa
Damqadaa halbawluhu
Xididdadu darrooraan
Ama dhiigga daadshaan
Afku hadalka daayaa
Dibnihiisa haystaa
Doqon kaa nasiib lihi
Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee
Kuu celiso daabkee;
Waxay doodi furan
tahay
Ruux kuu darraan jiray
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dulleeyee
Allahayow nin daacada
Allahayow nin daallina
Deeqdaada haw simin!
Shankarroon
Iyadoo la degayoo
Carradii la duubiyo
Degelkii la taaganyoo
Dadku caafimaadoo
Rabbigay daweeyoo
Danbar laga waraabshoo
Dedkii layga qaadoo
Dabku ii iftiimee;
Indhihii dillaacaa
Laga furay daboolkoo
Dooggiyo barwaaqada
Farxad daawanaayee
Bal dayaay ayaamuhu
Isku derejo maahee
Allahayow nin daacada
Allahayow nin daallina
Deeqdaada haw simin!
Mooge
Deeqaay wanaageey
Dawo caafimaadeey
Hantidii dadkaygaay
Dhaxalkii dirkaygaay
Dhaxantiyo darrooraha
Dadab laga gelaayeey;
Dayax iyo cadceedeey
Dabka lagu hirtaayeey
Duco qabe ka xeel
dheer?
Dabarkiyo mareerkee?
Digarogashadaadana
Degdeg laygu keenoo
Aniguba daaraddaa
Waan soo dabbaashee
Allahayow nin daacada
Allahayow nin daallina
Deeqdaada haw simin!
Shankarroon
Dantu wadajir guud bay
Dayac kaga fogaataa
Karti iyo dadaal baa
Gobannimo daryeelee
Dadku wuxuu ka maalaa
Kolba siduu u daajee;
Ma dabbaaldeggaygiyo
Caawa dadabgalkaygaa
Dumarkiyo carruuruhu
Igu diirsadeenoo!
Dooggiyo barwaaqada
Farxad daawanayee
Bal dayaay ayaamuhu
Isku derejo maahee!
Allahayow nin daacada
Allahayow nin daallina
Deeqdaada haw simin!
No comments:
Post a Comment