Erayada:
Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka:
Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda:
Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac
Aburaas
Haddii
ruux jacayl sigo
Sahwi
waa walaalee
Sidrigaygan
damaqdee
In
kastoonan sababtii
Sidaan
kuugu imi beri
Si
wacan kuugu garanayn;
Sunniyaha
dushoodiyo
Sarwajida
la ururshiyo
Waa
taad timaha saydhee
Saddex
goor gacmaha iyo
Surka
aad is jabisee
Siddiqabax!
intaad tidhi
Sanqaroorka
taagtee!
Aniguna
sulaaqii
Maan
seexanine xalay
Waxaan
sara fadhiyay yaab!
Sahra
Dumarkuba
saluuggiyo
Subaxdaad
is barataan
Sahwiga
wayska leeyiin;
Haddii
aan u qabay sidan
Jacayl
seefa inuu yahay
Waaban
kuu sadburin laa!
Waxa
soo sokaba maray
Sula
xaajadii ahayd
Samaheennan
maantee
Sahwiga
iska daayoo
Sida
sayniska hawada
Ragga
dayaxa sahansaday
Sirta
dumar adoon gelin
Samir
ila ogow oo …
Imikana
sidaan rabo
Haddii
Eebbe igu simo
Waxaan
sugo wax ii sada
Saadaaladaan
qabo
Si
kastaba adoo wacan!
Aburaas
Hadduu
saydhmo dhibic roob
Uu
simo xareed wadhan
Saxalku
waa ka guure
Adiguna "sidaad" tahay
Sareedada
aduunyada
Sahan
midaan ku gaadhee
Haddaad
saaka ii timi
Nabad
igu salaantee
Maxaad
ii la socotaa
Sama
iyo xumaan kee?
Saddex
goor wadnaha iyo
Sinta
bidix is qabatee
Siddiqabax!
intaad tidhi
Socod
igu la hadashee!
Aniguna
sulaaqii
Maan
seexanine xalay
Waxaan
sara fadhiyay yaab!
Sahra
Sarsarrada
wadnaha iyo
Surimadiisa
dhiiggiyo
Saableyda
feedhaa
Seed
iyo laf caashaqu
Amba
sariyo hoosiyo
Waa
kan sudhan naftaydee;
Ma
sahlana hubsiinee
Cidba
haddaanan kula simin
Oonan
laba sad noqo odhan
Naxliga
iska saaroo
Ila
soco dhul sooliyo
Soof
daran abaariyo
Saymo
oodam keligaa
Kaaga
siiban maayee;
Imikana
sidaan rabo
Haddii
Eebbe igu simo
Waxaan
sugo wax ii sada
Saadaaladaan
qabo
Si
kastaba adoo wacan!
Faallo: Waa mid ka mid heesihii ku jiray riwaayaddii "Jeel iyo Jacayl" ee Axmed Saleebaan Bidde iyo Huryo ku dhex sameeyeen Jeelka Mandheera.
No comments:
Post a Comment