Showing posts with label sida faras xullaaloo. Show all posts
Showing posts with label sida faras xullaaloo. Show all posts

Tuesday, November 6, 2018

Sida Faras Xullaaloo

Ereyada: Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil-Cagaf)
Luuqda: Cabdi Tahliil Warsame

Sida faras xullaaloo
Aan xaaluf aragoo
Nugaal xayska daaqoo
Baruur dhabarku xoodmoo
Ama Xallin fadhiyayoo
La xannaanin jirayoo
Xuddunta iyo feedhaha
Farawguu xardhoo
Oo xuub dhacsadayoo
Sayntu dhulka xaabtoo
Oo aan xajiiniyo
Weli mudan xas iyo duur
Oo xariirta shaalkiyo
Xakamihii la sudhayoo
Koore loo xambaaroo
Xog’ogaale fuuloo
Oo xuufka booddada
Xawaarada la yaaboo
Oon orodka xiiqayn
Qaar baa xarraamee
Marka aan xaggaagiyo
Xubnahaaga eegaba
Xiisoodayeey
Xadantoodayeey
Xoodaantayeey