Sunday, November 24, 2019

Diiggaa Habeenkii

Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc

Diiggaa habeenkiyo
Markuu waagu daalaco
Duryamood ogsoontoo
Daxayoo badh kaga maqan
Dabuubta uga yeedha;
Diinkuna ma dhuunyado
Dareemada abaartoo
Afka wuu u diidaa
Hadduu gugii ku daaqee

Thursday, November 7, 2019

Haddii aan ku naawilay

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

Adduun nugulku doogsaday
Rahuna nawda doob furay
Nafyaruhu wax quudhsaday
Ragannimooy ninkaagii
Nacasnimo maxaa baday!
Nafsigiyo ayaankow
Xaggee baad ku nooshiin?!
Haddii aan ku naawilay
Hay gabin nasiibow!