Saturday, February 16, 2019

Ducaysane Wiilkayow

Ereyada: Maxamuud Tukaale Cismaan
Luuqda: Xasan Aadan Samatar

Ducaysane wiilkayow
Anoo dan yar baan ku dhalay
Dabadeed waxaan galay askari
Anoon weligey dallacin iyo
Dablaan kugu soo korshay
Qeerkey wuxuu duunyo yeeshay
Asaaggey daaro jeexday
Adaan kugu daalay aabbe
Dartaa halkagankaan u maray
Rabbigey iguma darraanin
Durbaan guushii hayaa

Saturday, February 9, 2019

Haddii Dabkii Dhaxmoodo

Erayada: Xasan Sheekh Muumin[i]
Luuqda: Cabdi Muxumed Ammiin iyo Hibo Maxamed Huddoon (Hibo-Nuura)



Cabdi Muxumed

Doc kastoo la eego
Noloshu dunidu waa dabkee
Hadduu dabkii dhaxmoodo
Maxaa lagu diiriyaa?!
Waa tilmaan la daahoo
Degdeg ku ma habboone
Adoo deggan u fiirsoo
Ujeeddada i deeqsii

Wednesday, February 6, 2019

Cidna Eersan Maayee (Cabashiyo Caloolyow)

Erayada: Cabdillaahi Cabdi Shube[i]
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Cabashiyo caloolyow
Ciil kaama bi’iyaan
Talo cayn wareegtana
La is ku ma canaantee
Caqli iyo hubsiinaa
Cidhib looga aayaa
Cidna eersan maayee