Wednesday, June 26, 2019

Muuniso

Erayada: Saxardiid Maxamuud Jebiye Luuqda: Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”
Aammin dumar ma yeeshoo Muuniso aqoon laa Shayddaan afuufee Islaannimo ka gudubtoo Faralkii illawdee Waxaad igu abuurtay Inaad igu illawdo Hadday kula ahaatay Amar Ilaahay weeye Umalka aan la luudo

Thursday, June 20, 2019

Haddii Aanan Dhulkaygow

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle


Haddii aanan dhulkaygow
Dhuux cadaawe kuu karin
Haddii aanan dhulkaygow
Dhiig kuugu fooldhaqin
Haddii aanan dhulkaygow
Gobannimada soo dhicin
Soomaali kama dhalan
Maalkaaga maan dhaqan
Caanihiisa maan dhamin
Ciiddana dhab u ma ledin

Wednesday, June 19, 2019

Wacdaraha Adduunka


Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan


Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayay;

Sunday, June 16, 2019

Dharaartaan


Erayada: Cali Sugulle Duncarbeed
Laxanka: Cabdillaahi-Qarshe
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec


Dhaaxaan gunnimiyo dhibaato mutoo
Dhoomaha layga saaray dhinacyada eey
Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqee
Calanka dhidbay sow ma soo dhicineey 

Kadabaa!


Erayada: Saxardiid Maxamuud Jebiye
Luuqda: Maxamed Yuusuf Cabdi


Waa kii aynu rabnee
Kifaaxiisa galnee
Soomaalaay kulligaa
Kulmiyaa la sudhee
“Kadabaa” dhaha eey

Thursday, June 6, 2019

Badda Caashaqa


Erayada: Maxamed Cumar “Huryo”
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Badda caashaqeen gudhin
Een cidi ka soo bixin
Aday baraye ma og tahay!
Kolkii aan barriinsaday
Ka baxdaye maxaa dhacay
Beenaysay wacadkii! 

Wednesday, June 5, 2019

Waan Duulayaaye



Erayada: Saxardiid Maxamuud Jabiye
Luuqda: Maxamed Aadan “Dacar” iyo Hibo-Nuura

Dacar

Dabar iyo hoggaaniyo
Dani seeta weeyee;
Iga duule xoolihii
Adna kaama daahnee
Dib ina’n u dhoofaan
Taladii ku daystee
Aan kula dardaarmee
Rugta sii daryeeloo…