Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Caashaqani muxuu gabay
Laba guusha wada jecel
God muxuu ku kala riday
Laba guur isku ogaa
Geerida mid yidhi ‘hoo’
Geeddi dheer muxuu calaf
Gacal oomman kala raray
Misna geed ku kala xidhay!
Maxaa samir ka gaaxdaa
Nasiib gaabiyaa dilay
Misna gaadhi waayee…
Godob qaaday waayuhu
Anna gooni ma ii dhigay
Gabaahiir ma igu furay
Giriyaad ma ku anbadayeey
Sow ma ahi geddeedii
‘Gorayooy gabbal kuu dhac’
Caashaqani muxuu gabay
Laba garasho dheeraa
Gal muxuu ku kala xidhay
Laba buurihii Golis
Midba gees ka joog yidhi
Guunyadu maxay laba
Gacantoodu madhan tahay
Gabaddano ku haysaa!
Maxaa samir ka gaaxdaa
Nasiib gaabiyaa dilay
Misna gaadhi waayee…
Godob qaaday waayuhu
Anna gooni ma ii dhigay
Gabaahiir ma igu furay
Giriyaad ma ku anbadayeey
Sow ma ahi geddeedii
‘Gorayooy gabbal kuu dhac’
No comments:
Post a Comment