Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Maxamed Mooge Liibaan
Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayay;
Maxaan sida weer cadhaysan
Saqaa dhexe gaaf wareegay
Intuu waqal ii hillaacay
Maxaan kula rooray weelka
U baydhay wadiiqo leexsan
Wakhtigu i tilmaami waayay;
Jacaylku muxuu i wiiqay
Muxuu wadnahayga shiilay
Maxaan shimbiraha waraystay
U dhiibay waraaq daboolan
Haaddii wacdigayga qaadday
Cid “weeye” tidhaahda wayday!
Waayeel dadow
Ina’n waalanahay
Duni weer siddoo
Weligeed dhintoo
Wacadkiyo xadhkii
Waydaarataan
Weetaynayaa!
Wadeeco maxaan ilaashay
Waraabe ka soo xareeyay
Sac weyda maxaan u dhaanshay
Walwaal ugu soo arooray
Halkiisa ku soo waraabshay
Maxaan weli soo kexeeyay
Wadaaddo maxaan u yeedhay
U loogay wankayga fiican
Waxyeello halkay u taallo
Naftayda maxaan ka waanshay;
Walaalkay nimaan u haystay
Muxuu waddo ii fadhiistay
Qof aan wehelkayga mooday
Ka qayb galay weerarkayga
Ruuxaan la wadaagay oontu
Ku wiirsaday dhiilladayda
Waayeel dadow
Ina’n waalanahay
Duni weer siddoo
Weligeed dhintoo
Wacadkiyo xadhkii
Waydaarataan
Weetaynayaa!
Maxaan wacdaraha adduunka
U soo jiray waayaheeda
Warkeeda la ii dhammeeyay
Maxaa waran layla doonay
Habeennimo layla waayay
Nasiib kaga waabariistay;
Maxaa dabin lay wareejay
Wedkayga la ii shirqoolay
Maxaan dacar lay walaaqay
Waabeeyo ku caafimaaday
Maxaan wacad layla qaatay
Rumaystay “Wallaahi” beena;
Maxaan webiyaal is jiidhay
Dhexdooda ka waab samaystay;
Wanaag anigoo sameeyay
Maxay wadhi ii danbaysay!
Waayeel dadow
Ina’n waalanahay
Duni weer siddoo
Weligeed dhintoo
Wacadkiyo xadhkii
Waydaarataan
Weetaynayaa!
No comments:
Post a Comment