Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey
(Jiir)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Jacayl aan dhammaan baa
Dhexda iigu maranoo
Kii horaa i dhaawacay
Kanna waygu dhaatee;
Dhabbuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba wax yaab laa
Igu soo dhacaayee!
Allayahow dhib badanaa
Adoo dhoofay caashaqa
Dhul shisheeye kaa helay;
Waaban soo dhaqaaqee
Dhiirranaa il adagaa
Dhabbaha yuu la soo maray
Dhawr habeen diyaaradi
Meel ay u dhixi buu
Dhakhso iigu yimide
Dheereeyee maxaa siday!
Waxan kaloo la dhaygagay
Gorongoosa dhirteedii
Dhulkoo hodana geedaa
Dheentiyo cambe is xidhay
Kayn libaax ilmaha dhigo
Anigoo ku dhuuntuu
Iga soo dhex saaree
Dhaayihiisu furanaa
Ma dhal awliyaad baa!
Hurdo miyaan dhakoolaa
Dhan markaan u seexdaba
Sow dhool la mooddii
Dhabta anoo ku haysta
Kuma soo dhadhabayoo
Dheelallow ma soo kaco!
Soomaaliya dhankeedii
Dhawaaq farax le mooyee
Dhiillo kama sugaayee;
Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsanoo ladan
Kalgacaylkiiyoon dhicin
Weliba dheeri sii koray
Dhulkii oo barwaaqaa
Dhammaanteen na nabad gee!
No comments:
Post a Comment