Wednesday, July 31, 2019

Ma Dadkii Kitaabkiyo


Erayada: Cabdiqaadir Xirsi ‘Yamyam’
Laxanka: Cabdikariin F. Qaarrey “Jiir”
Luuqda: Cumar Cabdulle Nuur


Dusha timaha guudkee
Dib u dhaafay adhaxdiyo
Dibna-hadalka-qaadmada
Ilka dabar cad kaga yaal
Dib markaan u fiirsado
Fanax yara 'damuuqsiye?'
I dishaye cabbaaryada
Is la gaaray dacallada
Degga labada garab iyo
Waaxyaha dushooda
Dan-dhaqaaqa laafyaha
Dadyow anigu yaabaye!

Ma dadkii Kitaabkiyo
Diinteennu sheegtee
Degganaa Fardowsoo
Soo daahiraa…!

Doqontii nasiib lee
Damac kaa galaa baa
……. waab la saaraa?
Daymada jalleecada;
Markii aan ku daawaday
Indhuhu meelay diidaan
Daa’in kuuma yeeline;
Daruur yahay adoo kale
Nebi Yuusuf dabadii
Lama keenin dunidee
Nasiibku haygu kaa daro!

Ma dadkii Kitaabkiyo
Diinteennu sheegtee
Degganaa Fardowsoo
Soo daahiraa…!


Dawliilka dhererkee
Daray baxay la moodiyo
Deggenaanta socodkiyo
Dun wanaagga dhalankaa
Damqashada kalgacalka le
Da’day tahay waxgarashada
Dar Ilaahay siday tahay
Inta timaha dabatiyo
Dumar gebi ahaantii
Dhan loo dayaaba inan yahay
Qurux ku la ma doonane

Ma dadkii Kitaabkiyo
Diinteennu sheegtee
Degganaa Fardowsoo
Soo daahiraa…!





3 comments: