Thursday, August 1, 2019

Dhirtu waxay la ciirtaa


Erayada: Cismaan Aadan (Askari)
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac


Dhirtu waxay la ciirtaa
Dhulku qaadi waayaa
Dhagaxuna ka ooyaa
Baddu dhiig ilmaysaa
Cirku dhibica daayaa
Ballan ruux intuu dhigay
Dhayalsaday dabeedoo
Wacadkiina dhaafee!


Dhibi waxay timaaddaa
Dhagar loo maleeyaa
Dhaqankuna xumaadaa
Dheguu maqalka diidaan
Cirku dhibica daayaa
Ballan ruux intuu dhigay
Dhayalsaday dabeedoo
Wacadkiina dhaafee!


Faallo: waa mid ka mid ah heesihii riwaayaddii Wadhaf iyo Shimbiro ee Cismaan-Askari curiyay.




No comments:

Post a Comment