Erayada: Ciise-Ganey
Laxanka: Cabdikariin-Jiir
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
Ilmo dhawr habeen jiray
Haddaan waalidkii dhalay
Dhibaatada ka celinoo
Hayga dhicin ha dheelliyin
Dhabta waayo lagu hayn
Inta uu dhammays noqon
Dhakhso u ma koraayoo
Dhici mayso qayrkii
Inu dhinac istaagee;
Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in la is la dhawraa
Haddii kale se lagu dhimay!
Geelaan nin dhiirrani
Dheelmaynin galabtii
Dharaartiina Hawdkiyo
Kaymo Dhebi le daaqsiin
Bahal soo dhacaayiyo
Tuug dhuumanaayiyo
Dhuugiyo qaniinyiyo
Dhukaan lagama waayoo
Markaa dhimasho waw halis;
Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in la is la dhawraa
Haddii kale se lagu dhimay!
Dhir haddii la beeroo
Dhulka lagu tallaalo
Biyaha dhuubka loo darin
Loo qiyaasin dhoobada
Ma dheeraado xididkuye
Laamo dhumuc u yeeliyo
Ubax wada dhalaaliyo
Dhaameel ma bixisoo
Dhali mayso midho wacan;
Jacaylkaa dhiggiisoo
Dhaqaalaha u baahane
Waa in la is la dhawraa
Haddii kale se lagu dhimay!
No comments:
Post a Comment