Thursday, October 18, 2018

Bal aan Kula Dardaarmo

Erayada: Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan-Askari)
Luuqda: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac

Sahra

Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee
Dabuubtaan ku lee yahay
Ku daabaco qalbiga oo
Weligaa ha sii deyn


Duushaye Allow nabadeey
Qorraxduna dallaalimo ee
Caashaqana daaddihi
Weligaa ha sii deyn

Xasan

Darmaantaan jeclaayeey
Bal aan kula dardaarmee
Dantu wadajir weeye
Docdaada yay ka baylihin
Anna tayda igu daa
Dunida oo barwaaqa aheey
Dalka nabad ku sii joogeey
Caashaqana daaddihi
Weligaa ha sii deyn

Sahra

Dayaxii iftiimow
Bal aan kula dardaarmee
Dumarkana adoo kale
Ta heshaa ma deysee
Dookhaaga ka adkow
Duushaye Allow nabadeey
Qorraxduna dallaalimo ee
Caashaqana daaddihi
Weligaa ha sii deyn

Xasan

Daymada u rooneey
Bal aan kula dardaarmee
Kuwa loogu dawgalay
Labadii is doortee
Kala dila dadka is jecel
Ayaan la isku keen dirineey
Dunida oo barwaaqo aheey
Dalka nabad ku sii joogeey
Caashaqana daaddihi
Weligaa ha sii deyn


Fiiro: Waa hees ka mid ah  heesihii riwaayaddii caanka ahayd ee Wadhaf iyo Shinbiro War Isuma Hayaan ee Cismaan-Askari uu curiyay. 1978 bay soo baxday.

No comments:

Post a Comment